Soomaaliya Sidee Ayey U Aragtaa In Ciidamada Kenya Hogaamiyaan Hawl Galka Lagu Sugayo Amaanka Xeebaheeda?
Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa ku gacan saydhay in Kenya hogaamiso hawl galka la dagaalanka budhcad badeeda ee xeebaha soomaaliya.
Kooxda xidhiidhka soomaaliya ayaa dhawaan go’aamisay in dawlada Kenya ay hogaamiso hawl galka lagu sugayo amaanka biyaha soomaaliya isla markaana lagula dagaalamayo budhcad badeeda afduubka ka gaysata xeebaha dalkaasi.
Wasiirka arimaha dibada soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dawlada soomaaliya aanay aqbalayn go’aanka Kenya loogu dhiibay hogaaminta hawl galada la dagaalanka budhcad badeeda ee laga fulinayo xeebaha soomaaliya.
Wasiir Cawad ayaa meesha ka saaray inay jirto badhcad badeed haatan dagaal lala gali karo isaga oo sheegay inaanay jirin sabab haatan Kenya loogu doorto inay hogaamiso hawl galo laga fulinayo xeebaha soomaaliya.
"Hadda ma jiraan budhca -badeed lala dagaallamo labada dal ee Kenya iyo Somaliyana waxaa u dhaxaysa xurguf dhinaca badda ah, taasoo dacwaddeedu ay taallo maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, waxaanan cadeynayaa in hawshii la dagaallanka budhcad badeedda Somalia ay dhamaatay” ayuu yidhi wasiir Cawad oo la hadlay voa.
Sidoo kale wasiirka arimaha dibadda soomaaliya ayaa meesha ka saaray in ciidamada Kenya ay ilaaliyaan biyaha soomaaliya, taas badalkeedana waxa uu sheegay in ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban wadamada ku jira kooxda xidhiidhka ay ilaaliyaan xeebaha soomaaliya.