Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Oo Booqasho Ku Jooga Moscow
Wasiirka Arrimaha
Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruse ayaa booqasho ku tegay magaalada
Moscow ee dalka Ruushka, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeeshay dhiggiisa
Sergey Lavrov.
Lavrov ayaa hadal
kooban, oo uu jeediyey markii uu soo dhoweynayey Abshir, wuxuu ku sheegay in
ayada oo la isku haleynayo guulihii la gaaray tobanaankii sano ee tegay, ay
labada dal si firfricoon u horumarinayaan una xoojinayaan iskaashigooda
dhinacyo badan.
Waxa uu sheegay inay
marinno laba geesood ah uga shaqeynayaan ajendayaasha gobolka, kuwa Qaramada
Midoobe iyo masraxyada caalamiga ah.
"Maanta waxaan aragnaa
fursad wanaagsan oo aan dib ugu eegno ajendaha iskaashiga, oo aan ka wada
hadalno halka ay lagama maarmaan tahay inaan kor u qaadno dadaalkeenna iyo in
mowduucyo dheeri ah lagu soo dari karo,” ayuu yiri Lavrov.
"Waxaan sidoo kale ka
wada hadli doonnaa u diyaar garowga shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika oo
dabayaaqada bisha Luulyo ka dhici doona magaalada St. Petersburg,” ayuu yiri.
Labada mas’uul ayaa
kadib guda galay wada-hadallo, balse weli wax qoraal ah lagam soo saarin
natiijadooda.