"Muuse Biixi, Waa Madaxweynihii Ugu Fashilsanaa Ee Soo Mara Somaliland"
Hargaysa (HWN) xoghayaha
Caddaaladda Xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis ayaa taxay qodobada uu ku
fashilmay Muuse Biixi, isagoo Muuse Biixi ku tilmaamay madaxwaynihii ugu fashilsanaa
ee Somaliland soomara sida uu ku sheegay xoghayuhu qoraalkan uu baahiyay:-
Muuse Biixi, waa
madaxweynihii ugu fashilsanaa ee soo mara Somaliland 32 sanno ee ay jirtay.
Fashilka Muuse Biixi
qodobadan, ayaa markhaati ka ah, waana waxyaabaha ay isku casilaan
hoggaamiyeyaasha damiirkoodu nool yahay ee garanaya masuuliyadii loo doortay in
ay ku fashilmeen.
1. Dalkii iyo dadkii
loo dhiibay oo kala irdhoobay, oo ay dagaalo ka soconayaan kuwana maamul kale
doorasho ka qabanayaan oo ah fashilkii ugu weynaa ee ay Somaliland wajahayso.
2. Wuxuu ku fashilay
inuu xal u helo xaaladda Laascaanood, oo maanta calaankii Somalia ka babanayo,
wuxuu fogeeyey shacabkii Gobolkaas oo siyaasadda xumadiisu keentay xaaladda
maanta taagan
3. Midnimadii shacabka
Somaliland oo uu dhaawacay, nidaamkiisu markii hoggaamintiisu keentay kala
qaybin bulsho oo gaadhay heerkii ugu
sareeyay
4. Wuxuu ku fashilmay
inuu dalka doorasho ka qabto wuxuna doorashadii laga sugayey ka doorbiday muddo
kordhin.
5. Maamul xumada Muuse
Biixi waxay keentay dhaqaale xumo baahsan oo soo wajahday dalka, sida uu isagu
ka hor qiray Barlamaanka.
Si kastaba ha ahaatee
Muuse Biixi, madaxweynaha muddo kordhinta ku fadhiya kursiga waxa uu god dheer
ku riday nabadii Somaliland adduunka ka iibin jirtay, dimuqraadiyaddii lagu
majeeran jiray, xasiiloonidii siyaasaddeed ee ay caanka ku ahayd, dhaqankii isu
tanaasulka, iyo ku dhaqanka sharciga oo uu ku beddelay doonistiisa gaarka ah.