Boqor Buurmadaw Oo Sheegay In Cabdiraxmaan CIRRO Yahay Madaxwaynaha Mustaqbalka Somaliland.

0
Friday May 26, 2023 - 11:02:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Buurmadaw Oo Sheegay In Cabdiraxmaan CIRRO Yahay Madaxwaynaha Mustaqbalka Somaliland.

    "ilaahayna waxaan uwaydiinayaa Inuu u adkeeyo wacadka iyo dhaarta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"ilaahayna waxaan uwaydiinayaa Inuu u adkeeyo wacadka iyo dhaarta"



Hargaysa (HWN)  Boqor Cismaan Buurmadaw oo ka hadlay dagaalkii dhawaan ku dhex maray Beelaha Ciise Muuse iyo Habaryoonis duleedka magaalada Burco ayaa sheegay in uu ilaahay uga baryayo beelahaasi in uu colaada nabad ugu bedelo, soona dhawaynayo hesheeska laga gaadhay colaadaasi.

 

"Waxaan sikal iyo laab ah usoo dhowaynayaa heshiiska Burco Ee ay ku heshiiyeen labada beelood Ee walaalaha ah, ee riximka iyo qaraabada ah ee wada dega Cali Saahid iyo hawdka Burco,  ilaahayna waxaan uwaydiinayaa Inuu u adkeeyo wacadka iyo dhaarta Lagu iba maray heshiiska.

 

Waxaan bogaadinayaa Madaxdhaqameedka iyo xukuumada Iyo mucaaradka oo hormuudka ka ahaa Madaxwaynaha mustaqbalka Cabdiraxmaan ciro

Allaa mahadleh:

Ayuu Boqor Cismaan Buurmadow ku yidhi qoraal uu baahiyay.

 

Dhawaan ayay ahayd markii la shaaciyay in Boqor Buurmadaw uu cafis ufidiyay Muuse Biixi, cafiskaasi oo ku saabsanaa in uu Boqor Buurmadaw dalka imankaro.


Loading...
Loading...