Somaliland Mey Goosan Ee Way Lasoo Noqotey Xoriyadeedii Iyo Madax Banaanideedii Odhaahdii (Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar)

0
Sunday March 10, 2019 - 09:26:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Mey Goosan Ee Way Lasoo Noqotey Xoriyadeedii Iyo Madax Banaanideedii Odhaahdii (Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar)

    BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM

Marka koowaad ilahay subxana wata caalaa ayaa leh mahada waxaan doonaya inaan halkan ku kala cadeeyo in aynu kala saarno Somaliland wey goosatey iyo Somaliland wey lasoo noqotey oo dadku aad isugu khaldaan inta badan hadii aan ku horeeyo ta koowaad oo ah Somaliland wey soo goosatey ama Somaliland wey go’dey iney tahay kalmad aan munaasib ahayn in la isticmaalo sababta oo ah Somaliland waxay 26 june 1960 ayay ka qaadatey xornimadeeda Maxmiyadii ama gumeystihii ingiriiska oo markaa dalka ka talineysey sidaas na kaga mid noqotey wadamadii Africa ee markaa xoriyada ka qaatey guumeystayaashii reer galbeedka ee dalalkooda xukumayey, intaas markaan kagasoo gudubno qodobkii hore ee ahaa Somaliland wey goosatey haynu usoo gudubno qodobka kale ee ah Somaliland wey lasoo noqotey xoriyadeedii oo ah mid ka mudan ka kale ee dadka badan kooda afkooda kusoo noqnoqda qodobka aynu kor kusoo sheegnay sida saxda ah Somaliland wey lasoo noqotey xoriyadeeda oo waxay kala soo noqotey dalkii xornimada ka qaatey Talyaaniga ee Somalia taariikhdu markay ahayd 1 july 1960 kii halkaas waxaynu ku kala cadeyney in Somaliland ay gooni uga xorowdey guumeyste gaar ah Somalia na ka xorowdey guumeyste gaar ah laba wakhti oo kala gaar ah sidaas oo ay tahay labaduba waxay noqdeen laba waadan oo Africa kusoo biirey oo xornimada qaatey laba wakhti iyo laba gumeyste.



Bal hadeynu iskudeyno ineynu sharaxno kalmada ah Somaliland wey go’dey runtii waa kalmad aan xaqiiqo ka hadleyn oo ah kalmad gef ah oo been abuur ah waayo Somalia waxaa ka gu I kara uun maamul marka horeba ka mid ahaa Somalia sidaas oo ay tahay Somaliland marka horena kamay mid ahayn Somalia ee iyada oo xor ah oo cid qasbeysa iyo cid dabada ka wadaa toona jirin ayay ka ku biirtey Somalia sidaas oo ay tahay maadaama oo marka horeba ugu biirtey Calal ikhtiyaari marka ay doontana wey ugala noqon kartaa hankie iyo himiladii ay lahayeena wey sii wadan karaan iyaga oo marka horeba ahaa dal iyo dad madax banaan,


1991 kii markii ay Somaliland lasoo noqotey Xoriyadeedii ay 26 june 1960 geysey Somalia ayaa waxaa lagu shirey Gobolka Togdheer Magaalo madaxdeeda Burco halkaas waxaa lagu lafa gurey Sidii loo qeybsan lahaa Somaliland la wada leeyahay oo beelaha oodhami iska dhex arki karaan xukunka dalka ayaa waxaa heshiiskii ku jirey qodob ahaa Somaliland wey goosatey oo ah kalmad aan meesha ku munaasib ahayn waxaase qodobkaas badaley oo shirka ka kacay Alle Ha Xafidee Sheekhal Baladka Awdal Oo ah SHEEKH CABDILAAHI SHEEKH CALI JAWHAR oo idhi qodobkaas hala badalo ah Somaliland wey goosatey oo halagu bedelo Somaliland wey lasoo noqotey xoriyadeedii runtii sheekhu waa sheikh munaasib ah oo waa hadal midho dhal ah kasoo ka turjumaya iney Somaliland marka horeba ahayd dal madax banaan oo dalkale oo madax banaan ku biirey bilaa shuruud markuu doonana kala noqon kara xoriyadiisa markaa haynu isdul taagno xaqiiqada oo hadalka saxda ah ee ah Somaliland wey lasoo noqotey haynu ka horeysiino ka kale ee ah Somaliland wey goosatey taas ayay ku jirtaa nasteexada iyo naruurada umada reer Somaliland

ALLAA MAHAD LEH

QORAA: AHMED ALI AHMED ABDILAHI
MINISTERY OF INTERIOR OFFICER

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...