Komishanka Doorashooyinka SLAND Oo Kulan La Qaatay Safiirka UK Ufadhiya Muqdisho

0
Friday May 26, 2023 - 10:53:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Doorashooyinka SLAND Oo Kulan La Qaatay Safiirka UK Ufadhiya Muqdisho

    "haddana labada dhinac waxay ka wada hadleen qodobo la xidhiidha Diiwaangalinta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"haddana labada dhinac waxay ka wada hadleen qodobo la xidhiidha Diiwaangalinta"



Hargaysa (HWN) Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa kulan la qaatay Safiirka cusub ee UK ufadhiya Somaliya Ambassador Mike Nithavrianakis iyo wafdi uu hogaaminayo, sida uu komishanka doorashooyinka Somaliland ku sheegeen qoraalkan hoose oo ay baahiyeen.

 

"Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa waxay maanta xafiiskooda ku qaabileen Wefti uu hogaaminayo Safiirka cusub ee UK Ambassador Mike Nithavrianakis oo ay wehelinayaan saraakiil kale oo ay ka mid tahay Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee JSL Lizzie Walker.

 

Booqashadan Safiirka ee KDQ oo ujeedkiisu ahaa kulan isbarasho, haddana labada dhinac waxay ka wada hadleen qodobo la xidhiidha Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha, fullinta Barnaamijka Kaadhqaybinta, iyo xal-u-helida caqabadaha dhanka Doorashooyinka JSL.”


Loading...
Loading...