Maxaa Uqabsoomay Ergada Reer Muqdisho Ee Hargaysa Kusugan Mudada Bisha Ah?
Waxaa magaalada
Hargeysa muddo bil ah ku sugan odayaal magaalada Muqdisho uga yimid in ay
dhex-dhexaadiyaan dinacyada isku haya magaalada Laascaanood.
Odoyaaashan ayaa sida
muuqata si rasmi ah aan u bilaabin howlihii ay u yimaadeen inkastoo
jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ay guddi u saartay
arrintan.
Wafdigu waxa ay
Hargeysa gaareen 25-kii bishii April, intii ay ku sugnaayeen waxa ay kulan la
qaateen golaha wasiirrada iyo madax dhaqameedka Somaliland.
Waxa la sheegaa in ay
weli ku jiraan dadaalada ay doonayaan in ku xalliyaan dagaalka ka socda
magaalada Laascaanood balse aysan weli wax badan u qabsoomin.
Qorshaha ugu horreeya
ee ay doonayaan ayaa ah in xabbad joojin ay ku dhawaaqaan labada dhinac balse
taasi ay weli si rasmi ah u dhaqan geli la’dahay.