Maxay Mucaaradka Turkiga Ku Dacweeyeen Erdogan?

0
Friday May 26, 2023 - 08:43:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Mucaaradka Turkiga Ku Dacweeyeen Erdogan?

    "Dacwad ayaan ka gudbinay si loogu qabsado fiidiyow been abuur ah" ayuu yiri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dacwad ayaan ka gudbinay si loogu qabsado fiidiyow been abuur ah" ayuu yiri



Ninka ay is hayaan madaxweynaha Turkiga ayaa dacwad ka gudbiyey madaxweyne Erdogan, wuxuuna ku eedeynayaa inuu sii daayey fiidiyow ololihiisa ku jira oo lagula xiriirinayo mintidiinta Kurdiyiinta.

 

"Dacwad ayaan ka gudbinay si loogu qabsado fiidiyow been abuur ah” ayuu yiri qareenka Kemal Kilicdaroglu, Celal Celik.

 

Mr Kilicdaroglu wuxuu in ku dhow shan dhibcood ka dambeeyey madaxweyne Erdogan doorashadii dhacday 14 Maajo.

 

Laakinse weli waxaa la aaminsan yahay in uu ciriiri gelin karo Erdogan, isagoo noqday qofka kaliya ee aadka ugu soo dhawaaday labaatankii sano ee uu Erdogan talada hayey, keenayna in lagu dhawaaqo doorashadii ugu horraysay ee isku celis ah ee Turkiga ka dhacda.

 

Markan wuxuu Kilicdaroglu dalbanayaa in la khasiro Erdogan lacag gaaraysa hal malyan oo Liire oo u dhiganta $50,000.

 

Lacagtaas wuxuu sheegay haddii loo xukumo inuu ugu deeqi doono sanduuqa dhaqaalaha loogu uruuriyo waxbarashada carruurta ay dhaleen askarta Turkiga ee geeriyootay.

 

Erdogan ayaa si isdaba joog ah wuxuu ololihiisa uga sii deynayey fiidiyow lagula xiriirinayo Kilicdaroglu taliyaha ciidanka kooxda kurdiyiinta (PKK).

 

Fiidiyowga ayaa gudbinaya muuqaalka taliyaha PKK oo ay u muuqato inuu taageerayo ololaha mucaaradka.

 

PKK waxay Turkiga iyo saaxiibadiisa galbeedka uga diiwaan gashan tahay urur argagixiso, waxayna tobanaan sano wadday dagaal galaaftay nolosha tobanaan kun oo qof.

Erdogan ayaa todobaadkan wuxuu qirtay in fiidiyowga tifaftir lagu sameeyey oo uusan ahayn kii mucaaradka ay ololaha ku galeen.

 

Qareenka Kilicdaroglu wuxuu ku andacoonayaa in Erdogan uu ku xadgubay 'xeerarka anshaxa'.

 

Laakinse marka dcwadda laga yimaado, wararku waxay sheegayaan in mucaaradku ay taageero ka haystaan axsaab Kurdiyiin ah, inkastoo ay qaar kale kala boodeen.

 

Taasi waxay keenaysaa in ay soo baxaan kooxo siyaasadeed oo aan dhanna raacsanayn, waxayna culays ku noqon kartaa Kemal Kilicdaroglu oo ugu yaraan taageero 15% ka haystay Kurdiyiinta.

 

Axadda ayuu labada nin dhex mari doonaa loollan adag marka doorashadaooda la isku celiyo.

 

BBC


Loading...
Loading...