Dagaalka Sool Ka Taagane Somalilaand Iyo Darood Dhexmaraya Qoladood Dantood Yahay.

0
Thursday May 25, 2023 - 09:15:30 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Sool Ka Taagane Somalilaand Iyo Darood Dhexmaraya Qoladood Dantood Yahay.

    Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],



Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

 

 

Dagaalkaad Ku Baaqdeen,Daarood Iyo Isaaqow,


 

Dabkan Aad Shidaysaan,Door Miyaydin Modeen,

 

Duxda Colaadu Leedahay,Dareenked Ninan Qabin,



 

Degdegbu Ugu Cararaa,Darararteena Waa Dhiig,

 

Dadka Qaar Aad Jeceshiyo,Danabyaad Ku Weydaa,


 

Doqontay War Moogee,Da’yar Goortay Madhatee,

 

Duunyadu Dhamaataad,Doon Dooni Doontaan,


 

Daaha Nabada Loo Rogay,Eed Maanta Diideeno,

 

Dunidaa Sidaas Ahoo,Degdeg Kuma Dhamaatee,


 

Duugeena Waxa Hadha,Dibaa Looga Sheekayn,

 

Dulmigiyo Nijaastaad,Dhex Dabaalanaysaan,


 

Dalandool Qaxoontiga,Dilka Sharafta Moden,

 

Denbiyada Gasheenee,Idiin Degemsan Aakhiro,


 

Dunub Layska Dhaafo,Dacwad Aan La Qorahayn,

 

Dalkuna Guurimaayee,Dadkunba Ka Tegayood,


 

Dibada Uga Saarteen,Dugsigooday Haysteene,

 

Dibna Loogu Celin Karin,Daayin Mooyi Tiisee,


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...