Saraakiil katirsan Booliska Turkiga oo soo gaaray Muqdisho SAWIRO

0
Thursday May 25, 2023 - 08:44:15 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil katirsan Booliska Turkiga oo soo gaaray Muqdisho SAWIRO

    Wafdigaan ayaa u yimid Muqdisho in ay booqdaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdigaan ayaa u yimid Muqdisho in ay booqdaan




Wafdi ka socda Booliiska Gaarka ee Ozil Harakat ee Dowlada Turkiga, ayaa maanta booqasho kooban ku soo gaaray Magaalada Muqdisho.



 

Taliye xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, S/Guuto, Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo Saraakiil kale ee Booliiska Soomaliyeed ah ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan-Cadde ku soo dhaweeyey Saraakiisha.


 

Wafdigaan ayaa u yimid Muqdisho in ay booqdaan, Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Booliiska Gaarka ah ee Haramcad oo ay Dowladda Turkigu tababarto.

 

Wafdiga oo ka koobnaa Afar Sarkaal ayaa dhamaantood ka socday Ciidanka Ozel Harakat. Waxeyna kala yihiin.


 

1: Taliyaha özel Harekat

 

2: Taliyaha Arimaha Dibadda

 

3: Taliye kuxigenka Arimaha Dibadda

 

Iyo Sarkaal katirsan özel harekat.


 

Booqashadaan rasmiga ah ayaa mudo dhan dhowr cisho wafdiga ku joogi doonaan Caasimadda Soomaaliya eeMagaalada Muqdisho, iyaga oo kulamo la qaadan doonaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.










Loading...
Loading...