DEG DEG Codeeynta doorashada goloyaasha degaannada Puntland oo Maanta bilaabatay

0
Thursday May 25, 2023 - 08:36:24 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Codeeynta doorashada goloyaasha degaannada Puntland oo Maanta bilaabatay

    Saddexda degmo ee doorashadooda dib loo dhigay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddexda degmo ee doorashadooda dib loo dhigay



Doorasho Taariikhi ah ayaa saaka ka bilaabatay deegaannada Puntland, doorashada golaha deegaanka ee qof iyo cod ayaa si habsami leh uga bilaabatay degmooyin badan ee Puntland.


Dadka ayaa safaf dhaadheer ugu jira u codeynta in ka badan 3000 oo musharrax oo ka kala socda todoba xisbi.



 

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa hakiyay doorashada saddex degmo oo ay kamid tahay Garowe, sababa la xiriira xaaladda amni iyo dhacdooyinkii lidiga ku ahaa doorashada ee ka dhacay Garowe.


Saddexda degmo ee doorashadooda dib loo dhigay ayaa kala ah, Garowe, Dangarayo iyo Godob-jiraan, kuwaas oo hoos yimaada gobolka Nugaal.


Ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta doorashada kasoo horjeeda ayaa hor istaagay in qalabka doorashada la geeyo degmooyinkaas, sidoo kalena waxay ku hanjabeen inay carqaladeynayaan goobaha doorashadu ka dhacayso.


Guddiga Puntland doorashada waxay sheegeen in ay dib kasoo sheegi doonaan taariikhda dib loo qaban doono doorashooyinka saddexda degmo ee doorashadooda la hakiyay.

Loading...
Loading...