Doorashooyinka Degmooyinka Puntland Qaarkood Oo La Hakiyey
Guddiga KMG ah ee
Doorashooyinka Puntland, ayaa hakiyey doorashooyinka qaar ka mid ah deegaanada
Puntland ee la filayey inay dhacaan berri oo Khamiis ah.
War-saxaafadeed kasoo
baxay guddiga ayaa lagu sheegay in la hakiyey doorashooyinka degmooyinka kala
ah; Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan.
Guddiga ayaa sheegay
inuu go’aankan qaatay markii uu arkay xaaladda amni iyo dhacdooyinka amniga la
xiriiray ee ka dhacay degmada Garoowe iyo inuu fursad siiyey Isimada dhaqanka,
Odayaasha, waxgaradka iyo Dowladda in wadahal lagu xaliyo kala duwanaanshaha
"Guddiga doorashooyinka
Puntland ayaa go'aaminaya maalinta sii wadidda hawlihii Doorashada ee hakaday
kadib marka uu la tashado hay'adah Dowladda ee ay khusayso iyo
Ururadda/Xisbiyada siyaasadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Guddiga ayaa intaas ku daray
in doorashooyinka golaha degaanka ay Maalinta Berri ah 25/5/2023 ka dhici
doonaan dhamaan degmooyinka kale ee horay loo qorsheeyey kuwaas oo gaaraya 30
degmo.
Tallaabada guddiga ayaa
imanaya ayada oo dhowaan magaalada Garoowe ay ka dhaceen shaqaaqooyin lagu
beegsaday qaar ka mid ah sanaadiiqda codadka, oo ay weerareen dad kasoo
horjeeda doorashooyinka Golaha Deegaanka.