Safiirka UK Ufadhiya Somaliya Oo Muuse Biixi Kala Hadlay Dagaalka Laascanood iyo Arimaha Doorashada
Hargaysa (HWN) Madaxweynaha
Somaliland ayaa maanta kulan Hargeysa kula yeeshay safiirka Uk ee
Soomaaliya Amb Mike Nithavrianakis.
madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in kulanka lagaga hadlay dagaalka Laascaanood
iyo sidii loo joojin lahaa.
Madaxtooyadu waxa ay
sheegtay in madaxweynaha Somaliland safiirka u sheegay in ay diyaar u yihiin
dhinacooda xabbad joojin iyo nabad.
Dhinaca kale waxa uu
safiirku uu kala hadlay Muuse Biixi arimaha doorashooyinka, isagoo Muuse
usheegay safiirka inay hawlaha doorashadu siwanaagsan usocdaan, sida lagu
sheegay qoraal ay baahisay madaxtooyada Somaliland.
Dhawaan ayay ahayd
markii Muuse Biixi sheegay in dagaalka Laascanood aanu istaagayn ee uu soconayo
ilaa inta dhulka Somaliland ay ku jiraan dad uu ku sheegay cadawga Somaliland.