Qaar Ka Mid Ah Sanduuqyada Codeynta Puntalnd Oo Ay Ciidammo Qabsadeen

0
Wednesday May 24, 2023 - 13:51:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qaar Ka Mid Ah Sanduuqyada Codeynta Puntalnd Oo Ay Ciidammo Qabsadeen

    "Doorashada PUntland ayaa waxaa hareeyay khilaafyo iyada oo dhawaan ay soo baxday"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Doorashada PUntland ayaa waxaa hareeyay khilaafyo iyada oo dhawaan ay soo baxday"



Iyadoo maalinta berri ah lagu wado in Puntland looga dareero doorashada golayaasha deegaanka oo qof iyo cod ah, ayaa waxaa xalay ciidamo diidan doorashada gacantooda galay sanaadiiqdii codeynta ee dagmada buurtinle ee gobolka  Nugaal.

 

Isla gobolkaas qaybo kale oo ka mid ah ayaa la soow warinayaa in aysan gaarin wali qalabka doorashada mana jirto ilaa iyo hadda cid arrimahaan ka hadashay oo ka tirsan gudiga doorashada iyo mamaulka Puntland.

 

Wariye Axmed Cawil ayaa soo werinaya in ay ciddammo fara badan waddooyinka gooyeen, iyada oo ay jiraan degmooyin kale oo aysan qalabkii doorashadu weli gaarin waxaana ka mid ah degmooyinkan, Godobjiraan, Dangoroyo iyo weliba Garowe oo ay hoos tagaan degmoon badan.

 

Doorashada PUntland ayaa waxaa hareeyay khilaafyo iyada oo dhawaan ay soo baxday warqad lagusoo xirayo qaar ka mid ah siyaasinyiinta deegaankaasi walow markii dambe lala laabtay warqaddaas.


Loading...
Loading...