Is muujisay kuna aragnay! soo Bandhigtay qurux daada walina maad Gaadhin wixii aad rabtay

0
Wednesday May 24, 2023 - 11:47:25 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is muujisay kuna aragnay! soo Bandhigtay qurux daada walina maad Gaadhin wixii aad rabtay

    Ogow Xaaskii nabi Muuse xishoodkeedii ayay ku heshay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ogow Xaaskii nabi Muuse xishoodkeedii ayay ku heshay

 



Is muujisay kuna aragnay! soo Bandhigtay qurux daada walina maad Gaadhin wixii aad rabtay malaha in aad Rabigaa adeecyo ayuu ku jiray wanaagu, Haddii aad muujinta quruxdaada Amaan nagaga Rabto Asturnaan ayaanu kala jecelahaya hadaad ku Rabto maal-adduuna. {كُلُّ مَنْ عَلَيْهَا فَانٍ} Adduunku waa uu dhamaanayaa, haddii aad doonasana in aad soo Bandhiga quruxdaada kusoo jiidato Nin wanaagsan waraabaha ayaad isku loogtay!



Ogow Xaaskii nabi Muuse xishoodkeedii ayay ku heshay In ay oori u noqoto Nabi Alle doortay, haddii ay kaa ahayd qurux dayda arkana dhulka meesha ay Cagtu ku badan tahay ayaa ugu Tigaad iyo Naacawba yar! Waxanu kala jecelahay xishood iyo sharaf in aad Qaadato amarka Rabigaa oo aad xishood iyo xijaab isku ilaaliso ayaad sharaf ku gaadhi mid adduun iyo mid Aakhiraba. Ciidda aad wajiga kaga rabtaa maaha Aabahaa mana aha Macalinkaaga manaha aha asxaabtaada manaha aha wiilka aad xidhiidh wadaagga tihiin ee waa RABIGAA.


Suuradda-33-aayadda-58- Bal ila soo fiiri, hadaad soo fiirisay waad haysaa amarkii RABIGAA, haddii kale Halkaas ayay liibaantaadu taalaa kac fur musxafka sharafta badan Qaadanaa Amarkaa Rabigaa, haddii aan maanta kaala hadlo Salaadda in ay waajib kugu tahay waxaad is odhan lahyd tolow muxuu ula jeedaa Salaad ayaa waajiba ma cid aan ogayn ayaa jirta in ay Salaaddu tahay waajib! Haddaba labada aayadood ee midna Jixaab ka waajibinaso midna Salaadda labaduba Qur’aanka ayay ku Qoran yihiin, maxaad midna u qaadatay midna uga tagtay?! Middaasina waa arrinkii Allah ku dhaleeceeyay Reer Banii israa’iil Allah waxa uu leeyahay.


{..أَفَتُؤْمِنُونَ بِبَعْضِ الْكِتَابِ وَتَكْفُرُونَ بِبَعْضٍ}


Aan kula wadaago sheekadii igu kaliftay Qorista maqalkan yar waxa aanu sheekaysanay Nin Dhalinyara ah oo aanu saaxiib nahay, sheekadi waxay nala gashay in uu ii sheegay in dhawr xidhiidh ku jiro, Hablaha ay sheeko wadaagta yihiin qaar iyaga ayaa jecel laakiin mid ka mida isiga ayaa jecel waxana uu ii sheegay sababta middaas ku jecel yahay in ay tahay mid xishood iyo xajaab isku darsatay.


FG: Sheekh ma ahi kumana dheeri aqoon waxa aan kula wadaagay waa jecayl walaalnimo oo aan ka dareemayo Qalbiga.”الحياء شعبية من الإيمان"

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...