Safiirka Mareykanka Ufadhiya Somaliya Oo Dhaliil Culus U Jeediyey Deni
Safiirka xilka ka sii
tegaya ee Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa waraysi uu siiyay
laanta af Soomaaliga ee BBC ku sheegay in Madaxweynaha Puntland uu kula taliyay
in uu ka qeybgalo shirarka madaxda Soomaaliya oo waxa uu tabanayo uu halkaa ka
sheego.
Safiirka ayaa sheegay
in ay muhiim tahay in siyaasiyiinta Soomaaliya ay heshiis ka gaaraan awoodaha
iyo mas'uuliyada ay kala yeelanayaan labada heer ee dowladda.
Danjire Andre ayaa
sheegay in sannadkii iyo barkii uu Soomaaliya joogay ay wax badan iska
beddeleen xaaladaha waddanka.
Danjiraha oo ka hadlay
khilaafka u dhexeeya Madaxda Federaalka iyo Madaxweynaha Puntland ayaa yiri:
"Waxaa aad muhiim u ah
in Soomaaliya ay go’aan ka gaarto awoodaha iyo shaqooyinka ay kala yeelanayaan
maamullada iyo dowladda dhexe. Si taa loo helo, waxaa muhiim ah in ay dhacaan
shirar wadaxaajood, sida kan madasha qaranka oo ay iska dhex arkaan Soomaalida
oo dhan. Waxaan jeclaan lahaa in kulamadaas kursi looga banneeyo Somaliland.”
Hase yeeshee safiirka
ayaa carrabka ku adkeeyay in marnaba uusan madaxweyne Deni ku raacsanayn inuu
ka maqnaado kulamada Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya.
"Kuma raacsani oo xitaa
waan u sheegay Madaxweyne Deni in kulamadaas ay ka maqnaato Puntland. Maamul
goboleedkaas waxa uu ahaa mid Soomaaliya ka tirsan oo si habsami leh u
shaqeynayey muddo 25 sano ah. Waxa uu leeyahay qiso muhiim ah oo uu la wadaagi
karo Soomaaliya inteeda kale.”
Deni ayaanan ka qeyb
galin shirkii Golaha ee bishii Maarso ka dhacay magaalada Baydhabo.
Madaxweynayaasha afar dawlad goboleed oo uusan ku jirin kan Puntland iyo
madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa shirkaasi ka qeyb galay.
"Si guul buuxda looga
gaaro Soomaaliya, waxaa muhiim ah in Puntland ay qeyb ka tahay. Waxaan Deni u
sheegay in xitaa haddii uu ka baaqdo kulamada uu muujiyo aragtida uu ka qabo
arrimaha masiiriga laga hadlayay. Laba goor ayaan arrintaa kala hadlay, wax
jawaab ahna ima uusan siin,” ayuu yiri danjire Andre.
Bilowgii sannadkan ayuu
soo shaac-baxay khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo
Puntland kaddib markii Puntland ay soo saartay bayaan muran dhaliyay kaas oo
tibaaxayay in dowladda dhexe in ay "hagardaamo" ku waddo hanaanka
dowlad dhiska Soomaaliya.
Sida ku cad dastuurka
kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 142-aad, farqaddiisa
1-aad, dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in, iyadoo qayb ka ah dowlad
dhiska dalka, ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan fulinta dhammaan
waajibaadyadeeda dowliga ah."
Danjiraha oo ka
hadlayay qibradda uu u leeyahay Soomaaliya iyo markii ugu horreysay ee uu Soomaaliya
tago ayaa yiri:
"Waxaan Soomaaliya
markii ugu horreysay booqday sanadkii 2001. Haddii aan isbarbar dhig ku sameeyo
sidii ay Soomaaliya ahayd 22 sano ka hor iyo maanta, horumar badan ayay
samaysay. Waxaan si weyn ugu kalsoonahay in Soomaaliya ay si buuxda u soo kaban
doonto. Waxaase jira dhibaatooyin dhanka dowladnimada ah, amniga ah,
bani’aadannimada ah maadaama ay dhacday abaar aan nooceeda horay looga arag
Soomaaliya.”
"Dowladda heerarkeeda
gobol iyo Federaal ayaa ka shaqeynaya wax ka qabashada arrimahaas, iyadoo gacan
ka helaysa saaxiibbadeeda caalamiga ah. Markii aan Soomaaliya tegay January
2022, dalka waxa uu ku jiray xaalad adag, siyaasad xumo awgeed. Bilhii ka
horreeyay, waxaa muuqday astaamo u eg kuwii 1990-kii, oo hub urursi iyo
rabshado ayaa ka socday wadooyinka.”
"Khatarta ugu weyn ee
Soomaaliya haysatay waxa ay ahayd qalalaaso siyaasadeed. Tan iyo sanadkii hore,
waxaan aragnay hawlo wanaagsan oo laga qabtay dhinaca dowlad dhiska, kulamo
joogto ah oo u dhexeeya madaxda Soomaaliya iyo dhanka amniga oo ay ciidamada
Soomaaliya madax bannaanida dhuleed ku soo celiyeen 1/3 dhulkii uu haystay
ururka Al-Shabaab.”
BBC