Saddex Dariiqo Dal haystaa Dowlad waarta mayeesho….. Ood-roggadii.

0
Tuesday June 25, 2019 - 07:18:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex Dariiqo Dal haystaa Dowlad waarta mayeesho….. Ood-roggadii.

    Maxaa Xal ah? kol haddii siddaan kaga soo faalooday qaybtii hore

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Xal ah? kol haddii siddaan kaga soo faalooday qaybtii hore
ee maqaalkan in Saddex Dariiqo oo ah Saddex qaab Maamul ama laysku xukumo in ay kawada jiraan Somaliland oo kala ah Dumuqraadiyadii, Diintii iyo Dhaqankii iyada oo yaala laysku dhafo-ba oo aadan kala saari karin waxa sharciga lagu kala baxo waxa uu salka ku hayo.



Haddaan tusaale u soo qaato Somaliland markii Dib loo Dhidbay 1991 kii waxa uu Maamulka iyo haykalka Dowlad-nimo lagu dhisay ama lagu unkumay qaab maamul dhaqanka salka ku haya oo ku salaysan Ardaayo iyo qaab Maamul-Dhaqameed beelaysan, markii xigtayna waatii laysku raacay in qaab beeleysiga ama ardaayada dowladan ku dhisan in laga gudbo oo loo digo-rogto qaab dumuqraadi ku salaysan iyo Axsaab badan, bishii afaraad 2003 gii ayaa lagalay doorashadii ugu horeysay Somaliland ee ku salaysan qaabka axsaabta badan oo uu ku guulaystay Xisbigii UDUB kaas oo uu Madaxweyne Dalka ka noqday Mudane Daahir Riyaale, mudadaa laga soo billaabo ilaa wakhtigan xaadirka ah waxa Somaliland dowladeeda iyo qaab maamulkeeda xukuumadeed loo tiriyaa qaabka Dumuqraadiga Axsaabta badan, balse wixii ka danbeeyey 2010 haddii aad dhab ugu kuur-gasho waxa kuu muuqanaysa in ay tahay mid aan Dumuqraadiyad ku dhisnayn qaab beeleedkii layaqaanayna ee loo sinnaana  ku dhisnayn ee qabyaalad la candadoolay iyo Ardaayo is xulufaystay siyaasad ku salaysan inay ku dhisantahay kitaabkana siddii wax lagu ruqaan-kaco gacanta layska saaro oo Dhaar la xeeriyo loo marin waa mid subxaana lehe,


Mida kale Xisbiyada Somaliland ka jira hadda waxay ku dhisan yihiin ardaayo ama lagu kala sheegaa xagii loo aasaasay rayi ahaana ahayd in ardaayada lagaga baxo in ardaayadii shaadhadh Axsaab qaran ku sheeg inta loo xidhay qaabkii dhaqanka suubanaa ee soo jireenka ahaa ee xushmada, maamuuska, is qadarinta iyo wax wada lahaanshaba lahayd inta laga tagay oo dalkii lawada lahaa ee in lawada dhisto ahayd ay ardaayo is xulafaysi ay iska xulufaysteen ardaayadii kale ee Dalka ay wada lahaayeen siddii shirkad ay leeyihiin oo ay ku shuraakooobeen ugu dhaqmeen, ayaa weliba dalal shisheeye ah dumuqraadi baanu nahay lacag lagaga qaataa, kuwaas oo deeq bixiyaal  lagu sheego waadalalka rayiga Dumuqraadiga ka danbeeya ama hindisay ee rayigooda dunida ku faafinaayee, xaqiiqdiina waa ayaan daro jirta oo layska indho saabo, iyada oo hadana taasi ay u dheer tahay dad siddii tilifoonada lacag lagu shubto oo sharciyada Dalka kala haggaaya dejiya oo haddana baarlamaan dimuqraadiya lagu sheego iyana, sikastaba ha ahaatee waxaan soo jeedin lahaa Saddex qodob.


1, Dumuqraadiyadan lagu hindisay dalal aynaan isku Af, Dhaqan, Diin, Sasaan, Suurad, aqoon iyo Xaddaarad ahayn oo inaga horumarsan, kuwaas oo Soo jab iyo hoog dhamaystay oo halkay 1500 oo sanadood kahor marayeen ayeynu marayno hadaynu ku dayda is nidhaahno waynu ku Dhago-barjoobiye mayskaga hadhnaa intay goori goortahay, mise dhab baynu u qaadanaa oo shuruucdeeda ayeynu dhab ugu dhaqanaa Runtii haddii aynu Dumuqraadiyada ugu dhaqano sidday tahay aduunyada horumar ayeynu ka gaadhi aakhirana meel daran maxaa yeeley dumuqraadiyadu waxba ma xaaraantimayso xishoodna daa xorbaad wax walba u tahay ayey xeerarkeedu ku qotomaane.


2, Maamul Dhaqameedka soo jireenka ah ee kumanaanka sanadood aynu kusoo dhaqmaynay ee aynu kuwada kalsoonayn xeerarkiisa iyaga oo aan loo codayn, oo marka xaajo ugub timaado Ardaayada loo War dirsan jiray inay soo martay tan oo kale haday soo martayna waxay ku kala xaaleen siddeeda kalsooni layskugu xaali jiray ee sharciyada lagu kala baxo lagu darsan jiray kalsoonida iyo wanaaga iyo wax wada lahaanshaha ardaayada ka dhexeeyey awgood iyo Siddi wanaaga, samo-talisnimada, hufnaanta, garashada iyo wax xeerinta lahayd ee lagu xulan jiray Madax-Dhaqameedka aynu u soo cugano siddii xaal ahaan jiray beri samaad  waxaynu Xeer, hido, caado iyo Dhaqan u lahayn intaynu boodhka ka jafno oo si cilmiyeysan oo casriga iyo samanka lasocota u habaysano oo u hirgashano aynu isku maamulno kaas baa hubaal waxaynu leenahay oo wada leenahay oo lagu wada kalsoonyey ah, Runtii haddii waxaynu ab ka ab lahayn siddii wanaagsaneed ee loogu dhaqmi jirnay ugu dhaqanno oo dhaqan gashano aduunyada Ummad ka muuqata ayeynu ahaan lahayd oo Dhaqankoodii iyo hidahoodii ku dhaqmaysa aakhirana wax San waayo dhaqan Soomaaligu waa dhaqan samo ku dhisan iyo wax xeerin aan xako goosid ahayn sidda Dumuqraadiga.


3, in aynu Diinteena suuban ku dhaqano oo kitaabka isku xukuno kol haddii aynu nahay Dad 100% Muslin ah oo weynakaa Calankii Tawxiidkii Illaahay SW  ku qoranay iyo inaynu nahay Dal ay Ummaddiisu qirsantahay kalinimada Illaahay SW iyo nabigiisii Maxamed ahaa NNKH markaa miyeynu ku dhaqano oo aynu isku dhaqno sidduu Illaahay yidhi ee daacada iyo caddaalada leh ee Illaahay SW waxyigiisa soo degey ina faraayo, hubaal kuwo aduunka iyo aakhiro ba guulaysta ayeynu noqon lahayne.


Hadal iyo dhamaan Saddexdaa inaynu mid iskugu biyo shubano ayaa haboon laakiin Saddex aan is lahayn waa lagu callool qushqushaa oo lagu dal-qushqushaaye dhan aynu iskugu duwano oo dhan San aynu iskugu duwano Saddex Dariiqo Dal heystaa Dowlad waarta mayeeshee.


Illaahay baa Mahad leh

Midnimana Somaliland

Fuad Fartaag

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...