Wax Akhrigu Wuu Ka Macaanyey Caanaa Geela Soomaaliyey.

0
Tuesday May 23, 2023 - 10:06:16 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Akhrigu Wuu Ka Macaanyey Caanaa Geela Soomaaliyey.

    SHAN shay ayaa nolosha suuqa Hargeysa ii muuqata :

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHAN shay ayaa nolosha suuqa Hargeysa ii muuqata :



Waxaan ka mid ahay dadka jecel wax akhriga iyo wax qoridda, sannad walba markaan wadanka (family visit ) ku immaado waxaan raadceeyaa buugaagta Somaliland lagu qoro eenu xafladahooda ku daawono adduun weynaha oo runtii aad iiga farxiya laakiin markaan Hargeysa immaado labada book shop ee Hargeysa ku yaal kama helo buugaagtii meel kaloo loo doontona LAMA yaqaan. Cid wax akhri ka sheekaynaysa ma arko maalin kasta waan dhegadhegeeyaa.



 

SHAN shay ayaa nolosha suuqa Hargeysa ii muuqata :

 

1- Cunto La Cunayo Iyo Mid La Iibinayo Iyo Dhar Iyo Alaabo Guri Iyo Alaabo Dhismo.

2- Shaqo La'aan, Shaxaad Dad Aan Ku Garanayn Oon Oromo Ahayn Oo Dhaladkii Somaliland Ah Iyo Baryo Oromo.

3- Qaadkii Oo Dhib Iyo Nafaqo Daro Iyo Waali Laga Dhaxlay.

 

4- GAADIID Aan wado lahayn.

 

5. Siyaasad jaha wareersan oo dadku ka sheekaysan oo qabaailkii timaa la isugu xidhay .

6- Jaamacadii badnaa on noloshii bulshada aan wax isbedela kusoo kordhinayn xitaa meelo wax lagu akhriyo ama buugaag laga helo on sina bulshadii aan ula falgelayn.

 

7- bulshadu aad u dhib yartay aadna way isu caawinaysaa Walaalnimo Badan Baa Ka Muuqata Oo Ay U Dhasheen Oo Ka Duwan Ta Bulshada Mogadisho Ku Nool.

 

8- Wax Fikirka Dadka Kor U Qaadayaa Oo Wax Akhri U Horeeyaa Oo Maskaxda Cusboonaysiinayaa Way Daba Yar Yihiin.


 

1930 Naadkii Halkii Fikirka Reer Somaliland Dadku Marayey Wax Weyni Isma Bedelin Waayo Suuqa Burco Iyo Ka Hargeysa Waxaa Jirijiray Shaqo Dadkii Brigaa Ay (Create) Gareeyeen Markay Miyi Ka Soo Galaan Oo La Odhan Jiray ' Laflaw-Waa-Dhagax' , Ninku Laba Dhagax Buu Soo Qaadan Jiray ,Ninkalena Meesha Geela Lagu Qalo Ayuu Lafaha Dhuuxa Leh Kasoo Guran Jiray ,Labadaa Nin Suuqay Iska Daydayi Jireen Maalin Kasta Markaasuu Ka Dhagaxa Sitaa Qaylin Jiray Oo Dhan Laflaw Waa Dhagax , Markaasuu Labada Dhagax Lafta Ku Kala Jebin Jiray Markaa Dhuuxaa Geela Ayaa Labada Nin Qaybsan Jireen. Shaqooyinkii Bilawga Ahaa waxaa ahayeen nin xamaala, nin biyo dooxa kasoo dhaamiya iyo nin laflaw waa dhagaxa. Waxba xagga shaqo abuurka inoomay kordhin Jamacadahan badani bulshada suuqa waxba kumay soo kordhin oo (arts) ugamay faaiidayn. Imika Ninka Intuu Gaadhi Iibsaday Suuqa Kula Soo Cararay Ku Daydaya Qaad Iyo Qado Waa Laflaw Waa Dhagaxii Uun Oo Labadii Dhagax Ayaa Gaadhi Noqday.


 

Waxa Kale Oon Suuqa Hargeysa Ku Arkay Markaan Dhegadhegeeyey Een Indha Indheeyey Halkuu Fikirka Dadku Marayo Inay marayso halkii uu fikirka dadku marayey 1930gii. Berigaa waxay ku sheekaysan jireen xagga siyaasadda qabaailka sidan:


 

1- Isaaqa Iyo Daaroodku Waxoodii Way Cuneen Wixii Dadka Kalena Way Ku Darsadeen - Cid Haysatana Ma Arkaysid.

 

2- Gadabiirsi Waa Ooyayaa Had Iyo Jeer - Cid Dilaysana Ma Arkaysid.

 

3- Ciise Xoolo Wuu Leeyey Had Iyo Jeerna Wuu Ka Qaawanyey.

4- dhulbante wax ka maqani ma jiro hadana weligii waa waalanyey oo waa qaylinayaa. Waa fikirkii iyo sheekadii 1930gii.


 

Markaan Eegay Mushkiladda Reer Somaliland Haysata Boqolkii Sano Ee U Dambaysay Fikirkii Ummadda Bartii Buu Taaganyey Wax Isbedel Ahi Kuma Dhicin Kuna Dhicimaayo, Ummado Markaad (Intelligence) Kooda Eegto Waa (Brilliant) Laakiin Xaggii Wax Akhriga Looma Dhaqaaqin Weliba Wax Wax Akhriya Waxaa Jira Culimada Markaan Daba-Guray Waxaa Ka Mida Sh. Abdirahman Bashir, Mustafe X. Ismail, Sh Dirir, Sh Almis Iyo Qaar Kaloo Badan. Qofka Wax Akhriyaa Markuu Afka Kala Qaado Uu Hadal U Holdover Wuu Ka Duwan Qofka Aan Waxba Akhriyin Waayo Qofka Wax Akhriya Maskaxdiisu Way Ka Muruqyo Waaweyntay Ka Aan Waxba Akhriyin Oo Figrad Cusub Iyo Cilmi Cusub Iyo Daraarixin Cusub Ayaa Kasoo Burqanaysa Oo Dadka Dhegeysanaya Ay Sunnayaashoodu Kor-Kor-Uduulayaan.


 

 

Laakiin Aqoonyahanada Siyaasiyiintu Wax Akhrigoodu Aad Buu U Yaryey Kolba Ninka Kursiga Madaxweynaha Ku Fadhiya Ayaa Waqtigu Kaga Dhammadaa Ee Maskaxdoodu Wax Akhrigu Wuu Ku Yaryey.


 

Waxaan Ku Soo Gebagebaynaayaa Soomaaliyeey Wax Akhrigu Caanaa-Geela Wuu Ka Macaayey Ninkii Dhadhamiyey Baa Garanayee .


 

Qoraa Bashe -Buurdhegsyste.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...