Waa maxay saxaro-adayg?

0
Monday May 22, 2023 - 09:17:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 907
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa maxay saxaro-adayg?

    Waa maxay asbaabta saxaro adayga keento?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa maxay asbaabta saxaro adayga keento?




Saxaro adayg ama Calool-fadhi waxaa loola jeedaa saxaro aad u adag ama in qofku si sahlan u saxaroon karin.


Saxaro-adaygga waa cillad da' kasta ku dhacdo, inkastoo lagu kala duwan yahay laakiin qof aysan soo marin way yartahay.



Waxaa sidoo kale laga yaabaa:

In aad u baahato in aad iska soo riixdo

Aad dareento in ay saxaradu kaa soo dhammaannin

Aad qabtid casiraad, xanuun, dibbiro ama lalabbo


Qof kasta wuu ka duwan qofka kale, laakiin dadka badankoodu waxay saxaroodaan inta u dhexeysa 3 goor maalintii ilaa 3 goor toddobaadkii.


Ilaa iyo inta saxaradu ay jilicsan tahay ayna fududdahay in ay soo gudubto, markaas saxaradu kuma adka.

Saxaro-adaygga dadka qaar muddo kooban ayay haysaa, dad kalane dhib ayay ku heysaa muddo dheer.


Waa maxay asbaabta saxaro adayga keento?


Cunto uu ku sarreeyo dufanka iyo sonkorto ama uu ku yar yahay buunshuhu

Aadan cabbin cabitaanno kugu filan

Aad noqoto qof aan fir-fircooneyn


Aadan aadin musqusha marka ay saxaro ku qabato ama aad musqusha u baahan tahay

Aad isticmaasho daawooyinka qaarkood oo saxarad adkeeyo

Aad joogteyso isticmaalidda daawooyinka caloosha jilciya

Haddii aad xanuunka niyad jabka ama diiqada aad qabtid


Caruurta haddii ay ka cabsadaan musqusha ama isticmaalkeeda dhib ku yahay waxaa ku dhaca Saxaro-adayg


Sidee looga hortagaa saxaro adayga?


Cab ugu yaraan 8-10 koob oo cabitaanno maalin kasta.

Cabitaanno diirran ama kulul ayaa laga yaabaa in ay kaa caawiyaan in saxaradu ay si fudud kaaga timaaddo.


Cun cuntooyin ay buunshuhu ku sarreeyaan sida siiriyaalka buunshaha leh, rootiyada miraha isu dhan ka sameysan, khudradda aan la karin, furutooyin cusub ama kuwo la engejiyey, looska iyo daangada. Buunshuhu wuxuu caawiyaa in saxaradu si fudud jidhkaaga u soo marto.


Waxaa laga yaabaa in aad dooneysid in aad xaddiddo farmaajooyinka, shukulaatooyinka iyo ukunta maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in ay sii xumeeyaan saxaro adayga.


Cun tufaaxa si ay kaaga caawiyaan saxaro jilcan.


Jir dhis samee si uu kaaga caawiyo in saxaradu si fudud kaaga timaaddo. Socodka si fiican ayuu wax uga taraa.

Cun Timirta, koostada iyo qudaarta caleenta ah waxa ay ka qayb qaataan in ay caloosha socodsiiyaan.


Musqusha aad marka ay saxaro ku qabato si ay kuu dhaafto waxaadna ogaato markasta oo ay saxaradu isku daahiso in ay sii adkaan doonto ee horey ka saxarood.


Takhtarkaaga kala hadal ka hor inta aadan isticmaalin wax daawooyin caloosha jilciya oo farmashiga laga soo iibsado. Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu kuu soo jeediyo saxaro jilciye ama calool jilciye habboon. Haddii aadan ka helin daawada natiijooyinkii aad dooneysay, takhtarkaaga la xiriir.


Lawadaag asxaabtaada oo u share garee hadii aad ka faaiidey mowduucaan.


Dr amen

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...