Maxamuud Xaashi oo Cambaareeyay Xadhiga Saxafiyad Bushaaro Baanday.

0
Sunday May 21, 2023 - 19:32:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Xaashi oo Cambaareeyay Xadhiga Saxafiyad Bushaaro Baanday.

    "Hab-dhaqankani wuxuu ka markhaati kacayaa, sida ay xukuumaddu ugu xadgudbayso xuquuqda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hab-dhaqankani wuxuu ka markhaati kacayaa, sida ay xukuumaddu ugu xadgudbayso xuquuqda"



Hargeysa (HWN) Gudoomiyaha Ururka Isbahaysiga Sinaanta iyo Horumarinta Somaliland ee KAAH, Maxamud Xaashi Cabdi, ayaa cambaareeyay Xadhiga Saxafiyada Caanka ah ee Bushaaro Baanday, oo ku xidhan magaalada Hargeysa.

 

"Waxaan canbaaraynayaa xadhiga loo geystay saxafiyadda caanka ah, ee Bushaaro Cali Maxamed Diiriye, oo ku magac dheer (Bushaaro Cali Baande). Suxufiyad Bushaaro, waxaa xabsiga loo taxaabay, iyada oo aan xadhigeeda loo marin dariiq sharci (waaran la'aan ama ogolaansho la'aan maxkamadeed). Waxaanay haatan la'dahay xoriyadeedii iyo xuquuqdeedii muwaadinimo muddo dhan hal usbuuc.

 

Hab-dhaqankani wuxuu ka markhaati kacayaa, sida ay xukuumaddu ugu xadgudbayso xuquuqda iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan saxaafadda madaxa banaan. Mana aha markii ugu horaysay ee dad suxufiyiin ah lagu xidho aragtidooda xorta ah, balse waa mid ay dawladda madaxweyne Muuse caadeysatay, isla markaana curfi ka dhigatay.

 

Cabudhin, cagajugleyn, ka cad-goosi iyo cadaalad darro waa cuduradii iyo calaamadihii ay ummadani ka soo dagaalantay. Mana aha mid cidna laga aqbali karo horeyso iyo dambayso.

 

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa xukuumadda in sida ugu dhakhsaha badan, xoriyadeeda loogu soo celiyo suxufidda."

Xafiiska Warbaahinta Ururka kaah


Loading...
Loading...