Islaamka Iyo Nasab Siinta Ilmaha Aan Nikaaxa Ku Dhalan.

0
Sunday May 21, 2023 - 11:38:07 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1067
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Islaamka Iyo Nasab Siinta Ilmaha Aan Nikaaxa Ku Dhalan.

    Haddaan Gogol-xaar kooban ku billaabo,Dhab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaan Gogol-xaar kooban ku billaabo,Dhab


Qormadan waxaan ku falanqeyn doonaa waxa uu Islaamka ka qabo ama ay Culimada Muslimiintu qaarkood ka yiraahdeen Nasab siinta ilmaha Sinada ku dhasha.


Haddaan Gogol-xaar kooban ku billaabo,Dhab ahaantii Sinadu waa fal xun oo dhibaato iyo sharaf dhac ku ah geedi socodka Nolosha Aadanaha,wuxuuna caqabad iyo turunturo ku yahay Nasabadda iyo karaamada Insaanka,sidaa darteed ayuu islaamka u xarimay Sinada una diiday in loo dhowaado wax kasta oo suura galin kara inay dhacdo Galmo sharci darro ah.



Ilaahay wuxuu yiri:-

{وَلاَ تَقْرَبُواْ الزِّنَى إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاء سَبِيلاً }(الإسراء32)•

"Ha u dhowaanina sinada waayo waa foolxumo iyo waddo la qaado midda u xun”

Wuxuu kale oo Alle yiri:-


{وَالَّذِينَ لَا يَدْعُونَ مَعَ اللَّهِ إِلَهاً آخَرَ وَلَا يَقْتُلُونَ النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللَّهُ إِلَّا بِالْحَقِّ وَلَا يَزْنُونَ وَمَن يَفْعَلْ ذَلِكَ يَلْقَ أَثَاماً }(الفرقان68).

"Mu,miniintu waa kuwo Alle mooyee aan cid kale caabudeynin,waana kuwa aan xaqdaro ku dilaynin Naftii Alle xarimay in la dilo,waana kuwo aan sinaysanaynin,qofkii sidaa yeela dambi ayaa lagu oogi”.


Iyadoo uu sidaa Islaamku u xarimay Sinada iyo gogol dhaafku ayuu misana Sharci iyo Axkaam ka dajiyay sida laga yeelayo Carruurta ku calool gasha ama ku dhalata Sinada.


Mid way ku kulansan yihiin Culimada Islaamka oo ah in haddii uu Canuga Sinada ku dhasho firaash iyo Nikaax Nin leeyahay asii uusan kii gogoshiisa loo soo dhacay iska diidin Canugaas xarigiisa ku dhashay waxaa canugaasi loo xukumayaa kii uu nikaaxiisa ku dhashay,ka Reerka u soo dhacay ee Gogoldhaafka sameeyay waa la ceyrin ama isaga ayaaba dambi iyo daalac loo raacan,xitaa haddii ay dhab tahay inuu Canugaasi isaga dhalay waxba laga soo qaadi maayo oo sinnaba isaga loo haleeshiin maayo.


Midna way isku khilaafsan yihiin Culimada oo waa midda ah haddii uusan Canuga sinada ku dhashay aysan hooyadii nin kale u dhixin isla markaana kii Canugga sinada ku dhalay uusan dafirsaneyn Canuga inuu isagu dhalay,kolkaas Culimada diidan waxay qabaan inuusan cunugaas abtiris lahayn maadaama uu Sino ku dhashay oo hooyadii kaliya loogu abtirinayo Aabana uusan lahayn xitaa kan dhalay ee sheeganaya aan loogu abtirin karin.


Waxayna arintan u daliishadaan isla Xadiiska ay u daliishadaan Canugga firaash nin leeyahay si sharci daro ah ugu dhasha.


"اخْتَصَمَ سَعْدُ بْنُ أَبِي وَقَّاصٍ وَعَبْدُ بْنُ زَمْعَةَ فِي غُلَامٍ، فَقَالَ سَعْدٌ: هَذَا يَا رَسُولَ اللَّهِ، ابْنُ أَخِي عُتْبَةُ بْنُ أَبِي وَقَّاصٍ، عَهِدَ إِلَيَّ أَنَّهُ ابْنُهُ انْظُرْ إِلَى شَبَهِهِ، وَقَالَ عَبْدُ بْنُ زَمْعَةَ: هَذَا أَخِي يَا رَسُولَ اللَّهِ، وُلِدَ عَلَى فِرَاشِ أَبِي مِنْ وَلِيدَتِهِ، فَنَظَرَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِلَى شَبَهِهِ، فَرَأَى شَبَهًا بَيِّنًا بِعُتْبَةَ، فَقَالَ: (هُوَ لَكَ يَا عَبْدُ بْنَ زَمْعَةَ، الْوَلَدُ لِلْفِرَاشِ وَلِلْعَاهِرِ الْحَجَرُ، وَاحْتَجِبِي مِنْهُ يَا سَوْدَةُ بِنْتَ زَمْعَةَ)، فَلَمْ تَرَهُ سَوْدَةُ قَطُّ. أخرجه البخاري(1912) ومسلم(2645)


"Sacad ibnu waqaas iyo Cabdu binu Samca ayaa isku qabsaday wiil,oo Sacad waxa uu yiri Rasuulkii Alloow kani waa wiilkii walaalkay Cutba isaga ayaa igala dardaarmay,fiiri sida uu ugu eg yahay,Cabdu Binu samcana wuxuu yiri kani waa walaalkey waxaa lagu dhalay gogoshii Aabahay,Rasuulka scw wuxuu eegay wiilkii wuxuuna arkay sida uu ugu eg yahay Cutba,lkn Rasuulka scw wuxuu yiri Cabdow wiilka adigaan kuu xukumay waayo Canuga gogoshii iyo ninkaaxii uu ku dhashay ayaa xaq u leh,saanigana dhagax ayuu leeyahay”.


Culimada ogol in Canuga sinada ku dhashay ee uusan diidaneyn kii dhalay waxay Xadiiskan oga jawaabeen in uu Xadiisku gaar ku yahay Ilmo firaash ku dhashay ee uusan iska diidin kii hayay Ninkaaxa Haweenta sinada looga dhalay,laakiin uusan khuseyn Xadiiska Canuga sinada looga dhalay Naag aan Nin kale u dhixin isla markaana uu sheeganayo Canuga kii ka dhalay.


Culimada qabta in Canuga gogol dhaafka ku dhashay ee ay is ogol yihiin labadii iska dhalay waxay qabaan in ay isguursan karaan labadaas iska dhashay Canuga sinada ku calool galay oo ay Nasab Aabbe iyo Hooyo ahna siin karaan Cunugooda.


Culimada sidaa qabtana waxaa ka mid ah:-


"Curwata binu Subeyr,Suleymaan ibnu Yasaar,Xasan al-bisri,Ibnu Siiriin,Sheekh ibnu Taymiya iyo ardaygiisa Ibnu Qayim al-jowsi”.


"أن الأفضل أن يتزوجها الزاني، وينسب الولد له ، وهذا القول مرويٌّ عن عروة بن الزبير، وسليمان بن يسار، والحسن البصري، وابن سيرين، واختاره شيخ الإسلام ابن تيمية، وتلميذه ابن القيم رحمهم الله.


Waxyaalaha ay Culimadaas u daliishadaan nasab siinta Canuga gogol dhaafka ku calool galay waxaa ka mid ah:-


حديث أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ في قصة جريج، وفيه قال: مَنْ أَبُوكَ يَا غُلَامُ؟ قَالَ: الرَّاعِي. أخرجه البخاري(2302) ومسلم(4625). ووجه الدليل: أن النبي صلى الله عليه وسلم حكى عن جريج نسب الولد للراعي الزاني،


"Qisada jureyj waxay ahayd markii ay Naagtii Saaniyada ahayd ku nabtay ninkii waliga ahaa ee Jureyj si ay u ceebeyso Canug uu Sino oga dhalay Nin Qowsaar ahaa oo degsiimada Xoolaha u raaci jiray,kolkii ay ciqaabeen dadkii oo ay damceen inay sharafta ka qaadaan ninkii waliga ahaa ee Jureyj ayuu Ilaahay baryay Jureyj dabeetana Ilaahay canugii ka hadashiiyay oo markii la weydiiyay Canugii Aabahaa waa kuma yiri Aabahay waa Qowsaarka,sidaana uu waligii Jureyj ku badbaaday”.


Halka ay qisadu ka daliishanayaan Culimada qabta in Canuga sinada ku dhashay loo nisbeyn karo Aabihiina waa maadaama uu Canugii uu Qowsaarka sinada ku dhalay kolkii laga hadashiiyay sheegtay Aabihii sinada ku dhalay loona meel mariyay,arintaasna uu Rasuulka scw qiray oo ka sheekeeyay,maxaa diidaya in midkan dabo taagan ee sheeganaya Canugii uu sinada ku dhalay loo nisbeeyo oo uu Nasab siiyo,haddii aysan jirin firaash uu canugaa ku dhashay iyo cid ku haysato toona”


Cabdullahi Ibnu Cabaas ayaa la weydiiyay ka waran haddii uu Nin guursado Haweeney uu ka sinaystay,wuxuuna ku jawaabay kolkii hore sino ayuu galay aakhirkiina waa uu guursaday arintaasna wax dhib ah kuma sugna.


"خرجه عبد الرزاق في المصنف(12374)، والبيهقي في السنن الكبرى10/263، وسئل ابن عباس رضى الله عنهما فيمن فجر بامرأة ثم تزوجها؟ قال: أوله سفاح، وآخره نكاح لا بأس به.


Sidoo kale Saxaabiga Jaabir Ibnu Cabdullaahi ayaa la weydiiyay arintaas oo kale wuxuuna yiri wax dhib ah kuma jiro waayo markii horena sino xaaraan ah ayuu ugu tagay markii dambana guur xalaal ah ayuu ku baneystay.


أخرجه البيهقي في السنن الكبرى 7 / 155، وعن جابر بن عبد الله رضي الله عنهما قال : لا بأس بذلك، أول أمرها زنا حرام ، وآخره حلال.


Si taa la mid ahna waxaa la weydiiyay Cumar Binu Jaabir binu Seyd ka waran Nin Naag uu ka sinaystay guursaday?wuxuuna ku jawaabay isagaa u xaq leh waayo waa isaga midka fasahaadiyay markii horeba.


"أخرجه عبد الرزاق في المصنف 7 / 202، وسئل عمرو بن جابر بن زيد عن الرجل يفجر بالمرأة ثم يتزوجها؟ قال : هو أحق بها، هو أفسدها”.


Runtii aad bay u badan yihiin Aragtiyada arimahan tibaaxaaya ee laga soo xigto Asxaabtii Nabiga scw iyo Taabiciintii,wuxuuna Ibnu abii Sheyba ku soo aruuriyay kitaabkiisa Musanifka ah Athar iyo Axkaam fara badan oo ku saabsan arimahan oo giddi wada baneynaya isguursiga labada sharci darada isugu tagay iyo inay nasab siiyaan ilmaha dhexdooda ka beerma.


"مصنف ابن أبي شيبة 3 / 361، والآثار في ذلك كثيرة جدا عن الصحابة والتابعين في القضاء والفتوى بذلك”.


Sidoo kale Ibnu Qudaama waxa uu ku soo guuriyay kitaabkiisa Muqniga ah isaga oo ka soo xiganaya Abuu Xaniifa inuu yiri "wax dhib ah uma arko haddii uu Nin ka sinaysto Haweeneey oo uu uur u yeelo kadibna guursado oo uu u ceeb asturo Canugana uu Canugiisa yahay”


"وقد نقل ابن قدامة في المغني عن أبي حنيفة رحمه الله أنه قال : "لا أرى بأسا إذا زنى الرجل بالمرأة فحملت منه أن يتزوجها مع حملها, ويستر عليها, والولد ولد له"


Culimada qabta ra,yigan Nasab-siinta canuga sharci darada ku calool gala waxyaabaha ay daliishadaan waxaa ka mid ah Maslaxada iyo Ceeb asturka ay Diinta islaamku tirtirsiisay,waayo waxay leeyihiin ma garan karno wax Maslaxo ah oo ku jirta in Nasab iyo ceeb qarin la siin waayo Canug aan isagu inaba dambi ku lahayn wixii dhacay,oo Noloshiisa laga dhigo mid ay Cuqdad iyo yaxyax ragaadiso,Mashaqo iyo dhibaatana ku muta wax uusan isagu inaba sababteedu lahayn,tiiyoo ay Diinta Islaamku tahay Naxariis ku baaqda in ceebaha la asturo culeysyadana la fududeeyo.


Wallahu Aclam.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...