Maxaa Laga Yiri Akhriska?

0
Sunday May 21, 2023 - 11:28:42 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Laga Yiri Akhriska?

    "Haddii dadku aanay wax qorin waxna akhrin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddii dadku aanay wax qorin waxna akhrin



Faylasuufkii faransiiska ahaa ee Voltaire oo noolaa intii u dhexaysay(1694-1778) waxaa maalin la weydiiyay su'aal ahaydYaa hogaamin doona insaanka?


Wuxuu ku jawaabay kuwa yaqaana sida wax loo akhriyo.

""Akhrisku waa furaha ugu weyn aqoonta ee casrigan, waana halka ay ummadaha ku kala horumareen"..Muxammad muusaa Al-shariif



"Haddii xilligii miyiga ninba ninka uu ka gabay fiican yahay uu ka aftahansanaa dadka kale, maanta ninba ninka uu ka akhris iyo ogaal badanyahay ayuu ka aftahansanyahay kana aqoon roonyahay"......Aadan Sahan.


"Haddii dadku aanay wax qorin waxna akhrin, waxaa fududaanaysa in dadkaas la gumeysto"....Sheekh mustafe xaaji ismaaciil.


"Inaad akhrido hal ama labo buug bil ama sanad uun lama rabo, balse waa inaad Akhriska ku dartaa nolol-maalmeedkaaga, maalinna aysan ku dhaafin adigoon wax akhrin".... Dr Raaghib Alserjaani.


"Waxaa habboon inaad hadda wax akhrido ama caado ka dhigato Akhriska , waxaa la gaari doonaa waqti aad garan doonto faa'idada dhaqankan".... Anton Chekov.


"Qof aan wax akhrin wuxuu ku noolyahay hal qaab xitaa haddii uu 70 gaaro, balse qofka wax akhriya noloshiisa waxay u dhigantaa shan kun oo sano, Akhrisku waligiisa wuu jirayaa".....Umberto Eco.


Hormari Noloshada

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...