Ra'iisal Wasaare Xamse Daahfuray Shirweynaha Dhalinyarada Qaranka Fariina u diray

0
Sunday May 21, 2023 - 09:52:53 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaare Xamse Daahfuray Shirweynaha Dhalinyarada Qaranka Fariina u diray

    Ra'iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in horumarka dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in horumarka dalka



Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqangelinayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada.


 

Shirkan oo ah kii 9-aad ayaa soconaya muddo saddex maalin ah, waxaana ka soo qeyb galay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyadoo lagu soo bandhigayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.



 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in horumarka dalka ay hortaagan yihiin afar wax yaabood oo haddii aan wadajir looga gudbin aan la sameyn karin wax horumar ah, kuwaas oo kala amni xumo, qabyaalad, musuq-maasuq iyo maandooriye, dhallinyaradana looga baahan in ay dowladda ku gacan siiyaan ciribtirkooda.


 

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ammaanay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon yahanka ah oo kaalin mugleh ka qaadanaya amniga dalka, dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro Cadowga .


 

Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay halka ay dhallinyaradu uga jiraan nolosha bulshada ayaa sheegay in dal aan lahayn cuddud dhallinyaro oo xoog leh uusan horumar gaari karin.


 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda DanQaran aydhallinyarada Soomaaliyeed u abuurayso fursado shaqo, waxuuna ku ammaanay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha abaabulka iyo isu keenidda dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay afkaartooda ugu biiriyaan dowlad-dhiska.

Loading...
Loading...