Fanaanadii Nabadda U Heesi Jirtay Ee Dagaalka Ku Dhimtay

0
Sunday May 21, 2023 - 09:04:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaanadii Nabadda U Heesi Jirtay Ee Dagaalka Ku Dhimtay

    "24 maalmood ayaa xabsi guri ku jirnaa, inaga oo aan haysan biyo iyo cunto midna"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"24 maalmood ayaa xabsi guri ku jirnaa, inaga oo aan haysan biyo iyo cunto midna"

 



Bartamihii bishii Maarso, wariyaha BBC da ee Sudan ayaa booqday guriga fanaanad Shaden Muhammad Al-Hassan oo ku yaalay magaalada Omdurman, si uu u wareysto, warbixinna uga qaro heesaheeda ka hadla nabadda, ee dhaleeceeya dagaalka iyo fawdada.

 

Sidii lagu yaqaanaba waxay ahayd qof soo dhaweyn badan oo furfuran, way aqbashay wareysigii iyada oo waliba xiiso gaar ah u qabta. Waxay u sheegtay wariyaha in waxyaabaha ay waligeed ku taami jirtay ay kamid ahaayeen in ay ka soo muuqato BBC da, maadama ay dadka Sudan intooda badan ku xiran yihiin.

 

Waxay ka wada hadleen waqtiga ay kulmi doonaan, si ay isula meel dhigaan goobta iyo waqtiga ay barnaamijka duubi doonaan. Balse ma uusan ogayn wariyuhu in xilligaas uu ahaa markii ugu dambeeyay ee ay waligood is arki doonaan.

 

Madfac habow ah

Sabtidii, taariikhdu ahayd 13 ka May, Shaden waa ay geeriyootay, kadib markii uu madfac ku dul habsaday gurigeeda, intii uu socday mid kamid ah iska hor imaadyada Sudan ka socda ee u dhaxeeya ciidamada dawladda iyo kuwa RSF.

 

Iyadu waxay isku dayyasay in ay dagaalka kula dirirto heesaheeda iyo codkeeda, balse waxaa dilay dagaalka ka qarxay gudaha waddankeeda ee mugdiga galiyay iftiinkii dalkeeda.

 

Shaden iyo qoyskeedu waxay gabaad ka dhiganayeen hoygooda intii uu dagaalku socday oo dhan. Nolosha hammi wayn ayay ka leheed, waxay mar walba ka hadli jirtay in ay u geeriyoodoonto si Sharaf leh iyada oo ku qortay boggeeda Facebook: "24 maalmood ayaa xabsi guri ku jirnaa, inaga oo aan haysan biyo iyo cunto midna…bililiqada guryaha dariska ee socota ayaan u jeednaa, kama cabsaneyno dhimashada meelwalba nooga hareeraysan, waan soo dhaweyneynaa…alle waxaan ka rajeyneynaa in dhibtaada dadka ka ilaaliyo”.

 

Murugo balaaran

Inta badan da’yarta reer Sudan way jeclaayeen Shaden, bogaga Facebook ga ee da’yarta ayaa isku badalay tacsi. Kuwa badan oo kamid ah ayaa sawirkeeda saartay wajiga hore ee ciwaanadooda iyaga oo inkaaraya dagaalka la tagay ruuxdii ay jeclaayeen.

 

Shaden ma ahayn wax galkii ugu horeeyay ee dagaalka, fanaaniin waxgarad iyo oradyahano ayaa ku nafwaayay dagaalka. Atariisho Aasiya Cabdullaahi waxay la dilay maalinkii labaad eed dagaalka. Tababarihii kooxda Al-hilaal, Fawzi Al-Mardi isaga iyo gabadhiisa ayaa ku dhibtay dagaalka. Sidoo kale gudaha magaalada Omdurman xabad habow ah ayaa dhaqtar ku dishay gudaha gurigiisa.

 

Reer Sudan, si wayn ayaa uga naxeen ugana baroorteen geerida Shadan. Waxaa la duugay iyada oo gabar da’yar ah, nolosha u hanqal taageysa.

 

BBC


Loading...
Loading...