Codeynta Doorashada Ku Celiska Ah Ee Turkiga Oo Bilaabatay
Muwaadiniinta Turkida
ah ee qurba-joogta ah ayaa Sabtida maanta ah bilaabay in ay codkooda ka
dhiibtaan doorashada kala reebtada ah ee madaxtinimada Turkiga taasi oo ay ku
herdamayaan Madaxweyne Reccep Tayyib Erdogan iyo hoggaamiyaha mucaaradka Kemal
Kilicdaroglu, oo doonaya in uu soo afjaro xukunka madaxweynaha ee labaatanka
sano uu dalkaasi maamulayay.
Doorashada ku celiska
ah ayaa Turkiga ka dhaceysa 28-da bishan oo ku beegan Axadda danbe, waxayna
timid ka dib markii Erdogan uu waxyar uun ka hoos maray tiradii loo baahnaa oo
ahayd in ka badan %50 (konnton boqolkiiba) taasi oo u saamixi lahayd in uu ku
guuleysto tartankii ugu adkaa ee uu waligiis galo.
Ilaa 3.4 milyan oo qof
oo Turki ah oo qurba-joog ah ayaa xaq u leh in ay codkooda dhiibtaan, iyagoo ka
mid ah 64 milyan oo qof oo ka codeynaya guud ahaan doorashada dalkaasi. Qurba
joogta ayay codeyntoodu socon doontaa 20-ka illaa 24-ka bishan.
Wakaaladda wararka ay
dowladdu leedahay ee Anadolu ayaa warisay in codeyntu ay ka bilaabatay dalal
badan oo ku yaalla Aasiya iyo Yurub. Jarmalka oo ah halka ay ku nool yihiin
diyaasbarada ugu badan ee Turkiga ayay 1.5 milyan oo qof oo Turki ahi xaq u
leeyihiin in ay codkooda dhiibtaan.
Doorashadii Axaddii
hore ayaa xisbiga Erdogan ee talada haya ee AK Party iyo xulufadiisu waxa ay ku
guuleysteen aqlabiyadda baarlamaanka dalkaasi.
Kilicdaroglu, oo ah
murashaxa isbahaysiga mucaaradka ah ee lixda xisbi, ayaa helay codad dhan
44.88%, isagoo ku soo xigay codadka Erdogan oo gaarayay 49.52%, iyadoo Erdogan
uu been ka dhigay ra’yi aruurinno soo baxay oo muujinayay in ninka ay is-hayaan
uu ka badin doono.
Indhaha ayaa hadda lagu
wada hayaa Sinan Ogan, oo ah musharraxa kaalinta saddexaad galay oo helay 5.17%
taageerada dadweynaha. Go’aan kasta oo uu ku taageerayo mid ka mid ah labada
musharrax ee isku soo haray ayay suurtogal tahay in ay guusha siiso musharraxaasi.
Khudbadihiisa ayuu
hadda Kilicdaroglu xoogga ku saaraa qaxootiga dalkaai jooga, isaga oo dowladda
ku eedeeyey in toban milyan oo qaxooti ah ay u oggolaatay in ay dalka joogaan,
waxaana uu sheegay in haddii uu guuleysto uu dhammaantood dib u celin doono.
Ma uusan bixin wax
caddayn ah oo ku saabsan tirada muhaajiriinta dalkaasi jooga.
Turkey ayaa ah dalka
koowaad ee martigeliya tirada ugu badan ee qaxooti ah oo dhan afar milyan sida
ay sheegeyso tirada rasmiga ah ee ay dowladdu faafisay.
Ogan ayaa ku ololeeyey
in uu dib u celin doono qaxootiga oo ay ku jiraan 3.6 milyan oo Suuriyaan ah oo
ka soo qaxay dagaalka Suuriya.
Erdogan ayaa sheegaya
in uu yahay kan kali ah ee badbaadin kara Turkey oo ah dal xubin ka ah
gaashaanbuurta NATO, xilli qiimaha maciishaddu uu aad u kacay, sicir bararkuna
uu aad u sarreeyo, uuna u dheer yahay saameynta dhul-gariirkii dalkaasi ku
dhuftay bishii February.
VOA