Diyaaradda Kenya Airways oo Duulimaadyo ka Bilaabaysa Somaliland

0
Tuesday June 25, 2019 - 05:49:49 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradda Kenya Airways oo Duulimaadyo ka Bilaabaysa Somaliland

    Kenya(HWN)- Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa doonaysa inay bilowdo duulimaadyo toos ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya(HWN)- Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa doonaysa inay bilowdo duulimaadyo toos ah

oo ay ku tagto magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

 

Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA) ayaa soo xigatay war uu Wargeyska East African Business Week oo ka soo baxa Uganda uu maanta qoray, Kaas oo sheegay in shirkadda Kenya Airways ay hore u dhammeystirtay daraasadii la xidhiidhay suurtogalnimada duulimaadyo ay ka bilowdo caasimadda JSL, taasi oo aan wali dhicin oo la sugayo.

 

Warsidaha East African Business Week wuxuu intaas ku daray in Maareeyaha  Hawadda iyo Madaarrada Somaliland  Cabdi Maxamed Rodol uu  dhawaan booqasho ku tagay dalka Kenya, halkaasi oo uu wada hadallo kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan Dawladda Kenya oo uu kala hadlay sidii diyaaradda Kenya Airways ay duuliimaadyo toos ah uga bilaabi laheyd Hargeysa.

 

Waxa kaloo wargeyskaasi intaas ku daray in talaabadaasi ay noqon doonto mid sii xoojisa xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya,waxaanu intaas ku daray  in Somaliland ay ka shaqeystaan ilaa 1500 oo reer Kenya ah, iyadoo dhawaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya sheegtay inay qunsuliyad ka furan doonto Somaliland.

 


Loading...
Loading...