Tuulada Qolqol Iyo Nebi Adam

0
Saturday May 20, 2023 - 10:34:10 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tuulada Qolqol Iyo Nebi Adam

    Markaa Anigu Waxaan Is Leeyey Haddii Somalida Dawladaheeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markaa Anigu Waxaan Is Leeyey Haddii Somalida Dawladaheeda


Tuulada Qolqol oo ka mida Somaliland Gobolka Daadmadheedh waxay Oodweyne u jirtaa 60km Xadka Qocondhaale waxay woqooyi bari ka xigtaa 30km.


 

Tuulada waxaa u soo Honda ila iyo 120 qof oo dumar, rag iyo caruura leh. Waxaa hareeraheeda deggan ilaa 300 oo qoys oo xoolo dhaqato (Geel & Adhi). Waxay haystaan dhawr iyo soddon Berkadood oo xilligan wada buuxa.



Masjid aad u qurux badan, isgaarsiinta telecom iyo tower deer baa ku yaal. Mulcaamad caruureed 14jir iyo wixii ka yar baa ku taal , caruurtaa kala badh baa Xaafidul quraana. Siday wax u bartaan waa ardaydu Suurad kasta uu soo gaadho illaa uu korka ka QABTO MA DHAAFI KARO markaa caruurtaa maskaxdoodu waa XAASHI CAD WAX kaloo mashquuliyaa ma jiraan.


Waxaase belo ka joogtaa markay Ardaydaasi Quran ka dhameeyaan meel ay u gudbaan ma jirto iyagoo xaafidul quraan , did bay xoolihii u raacaan halkaasay Qaad iyo sigaar ku Bartaan. Tuuladan Qolqol Waa Tusaale E Intay Somali Reer Miyiyi Joogtaba Waa Isku Xaalad Ay Ku Wada Sugan Yihiin.


Qodobkaasi Waa Qodob.


Qodobka Labaad Een Miyiga Ku Soo Arkay Waa Odayadii Baa Kulamo La Yeeshay Waxaan Ku Idhi Hadduu Maanta Nebi Adam Idiin Yimaado Hubaal Wuxuu Arki Doonaa In Noloshiinu Tahay Tii Uu Ka Tegay Oo Aan Wax Horuumari Ku Soo Kordhin, Waa Maxay Sababtu:Waxay Yidhaahdeen Waa Run Arinkaasi Maalaa Adaaba Nebi Adam Ahe , Reer Miyiga Dhaqankiisu Waa Nin Waliba Hashiisuu Dabada Haystaa, Awrkiisuu Hogaanka Haystaa, Laxdiisuu Macasha Haystaa, Ridiisuu Geeska Haystaa Wax Danguuda Oo Noo Bilaabani Ma JirtoMukhaalifo Xumo Waa Noo Hanti Cid Debed Nooga Timaada Maanu Arag , Nolosha Fikir Kuma Soo Kordhino Sidii Nebi Adam U Noolaabaanu U Noolay.


 

Markaa Anigu Waxaan Is Leeyey Haddii Somalida Dawladaheeda, Maamuladeed Halkay Daaraa Xun Ka Dhisayaan In Miyiga Waddooyinka, Waxbarashada, Dhakhtarada Iwm Loo Wareejiyo Oo Dugsiyadoo Dhan Loo Raro Miyiga.


Nin Magaalada Ka Yimi Ayaa Oo Gaadhi Ka Soo Degay Oo Calaacaya Oo Garbadiir La Yidhaa Baan Ee Maxaa Kugu Dhacay. Wuxuu Yidhi Hargeysaan Seddex Neef Geeyay , Neefkiiba Waxaa La Iga Siistay Hoogayga E 600000 Oo S/L Ah Waxay Ii Goysay 3 Gadbadood Oo Raashin(Ration)Ah Oo Sonkortu Ku Jirto Ma Likahayga Iska Cuno Oon Xoolahayga Iska Haysto.


 

Arintaas Ayaa Nebi Adam Iyo Reer Miyigii Somalida Kala Qabsatay Hadduu Soo Noqdo

 

M Bashe (

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...