Dhibaato mucjiso ah oo ku dhacday ubadkii Golihii sare ee Kacaankii.

0
Saturday May 20, 2023 - 10:14:41 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibaato mucjiso ah oo ku dhacday ubadkii Golihii sare ee Kacaankii.

    Waxaa raggaas golaha sare kacaanka isu bixiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa raggaas golaha sare kacaanka isu bixiyey



Waa dhibaato mucjiso ah oo cammimtey kooxdii millateri ee isu bixisay magaca golihii sare ee Kacaankii 1969 qabsatey xukunkii soomaaliya.


 

Marka dadkaasi oggolaadeen in laga hoos shaqeeyo xukunkii Siyaad Barre ee qur-aanka ilaahay beeniyey weliba suuratul-Nisaa, ee haddana jideeyey xukunkii daaqiga ee XEERKA QOYSKA oo asalkiisu noqonayo in ragga iyo dumarku siman yihiin oo ahaa wax lagu raalli gelinayo gaaladii Ruushka ee waddanka la keenay wey caddahay in cadhada ilaahay loo badheedhay.



 

Waxaa raggaas golaha sare kacaanka isu bixiyey oo siyaad barre budhtuurka u ahaa ahaayeen dad diintu ku yartahay oo xataa qaarkood dugsi dhexe wax ka sarreeya oo aqoon maaddi ah aanay lahayn, taasaana keentay iney wax kasta oo uu yiraahdo ugu sacab tumaan duqii siyaad barre.


 

Markii ay isku dayeencolimadii iyo dadkii diintu ku weynaydiney ka hor yimaaddaan xukunkaas daaquudka waxaa loogu abaal guday in la xasuuqo oo xamar lagu toogto colimadii dadkiina lagu khasbo iney soo xaadiraan layntooda.


 

Iyadoo maanta wax ka badan konton sano kasoo wareegtay waqtigii kooxdaas juhalada iyo daaqiyiinta ahayd taladii soomaaliya la wareegeen ayaa daraasad aqoonyahanno badan oo soomaaliyeed baraha bulshada waqtiyo dhoweyto wax ku faalleeyaa soo shaacsaareen jiritaanka dhibaato guud iyo arrin wax ku qaadasho iyo cibro-minallaahi ah oo ku habsatey awlaaddii ay ka tageen kooxdaas siyaad barre ku raacday dullaynta diinta nebi maxamed lagusoo dejiyay.


 

Arrinkaasi waa arrin qof kastoo u baahdaa uu baadhi karo isagoo baadi goobaya kooxdaas SRC ama Golaha Sare ee Kacaanka isu bixiyey meelaha ay caalamka ka joogaa waayo social-media-ha ayaa laga heli karaa qofkastaa halkuu adduunka ka joogo si fudud.


 

Arrinkaas oo ah in ilaahay cuqubo kaga ridey awlaadda iyadoo ubadkoodii 90% ay noqdeenQOOMU-LUUD oo weliba ubadkoodii fusuqa ku fogaadeen kana mid yihiin bulshooyinka daroogada iyo fusuqa ku fogaadey ee yurub iyo ameerika soomaalida joogtaa ugu yeedhaan qofkaasi ( KAYNTUU GALAY) mararka qaarna (SUUQUU GALAY) oo ah sarbeeb in qofkaasi xadka ka baxay oo fogaadey.


 

Arrintani waa wax lagu cibro qaato waayo iyagu dad islaamnimo ku dhashay ayay isku dayeen iney guryahooda kharaabiyaan laakiin ilaahay ayaa guryahoodii kharaabiyey.


 

Waa arrin u baahan inuu ku cibro qaato qof kastoo doonaya inuu diinta ka fasahaadiyo qof ilaahay abuurtay oo aanu isagu diintiisa masuul uga ahayn ama si baadil ah uga hor yimaaddo xukun ilaahay u jideeyay dadka uu abuurtey.


 

Dhibtaasi waxaa kooxdaas academic-ga ah ee soomaaliyeed isku raaceen in dhibtaasi ubadkoodii ku habsatey, meel kastoo ay ka joogaan caalamkana from Australia ilaa waqooyiga America ay xaasaskoodii iyo awlaaddoodii ku jiraan XIIRA iyo wareer haysta dadkaas.

shacbaan ahmed


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...