Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Dagaal ee Laascanood
Muddo iminka laga joogo
ku dhawaad shan bilood waxaa uu dagaal ka qarxay magaalada Laascaanood.
Dagaalka wuxuu u dhaxeeyey miliishiyo hubaysan oo deegaanka ka soo jeedda iyo
milateriga Somaliland.
Markii uu billaabanayey
dagaalka wuxuu u muuqday inuu muddo gaaban ku soo idlaan doona, laakinse ilaa
hadda weli waa uu socdaa wuuna si xoogeystay. Waxaa ka dhashay dhimasho iyo
dhaawac, burbur hantiyeed, barakac iyo saamayn ballaaran oo uu yeeshay oo aan
qormadan ku eegi doonno.
Xaqiiqooyinka wixii
dhacay
Dagaalka waxaa la isku
adeegsaday hub culus, mana jirin ciidan ku dhex dagaallamay magaalada, waxaana
xaafado badan burburiyey madaafiic iyo hoobiyeyaal ku soo dhacaysay.
Odayaal dhaqameed
(Garaado) deegaanka ka soo jeeda, markii uu dagaalka qarxayna isku habar
wacday, ayaa durba bilaabay inay ku soo uruuraan magaalada si ay u jiheeyaan
dhallinyaro hubaysan oo ciidanka Somaliland dagaal la galay.
Dhallinyaradaas iyo
Garaadada waxay ka caroodeen dilal ay sheegeen in lagu hayo ‘hal doorkii
gobolka’. Hadalkaas ayaa yimid ka dib markii habeennimadii 26ka Disembar
magaalada gudaheeda lagu dilay Cabdifataax Cabdullaahi Hadraawi oo u dambeeyey
dilal is daba joog ah oo loo gaystay dad bulshada magac ku dhex leh oo ay
dileen ‘dabley aan la aqoon’. Cabdifataax wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan xisbiga
mucaaradka Somaliland ee Waddani.
Guddiga odayaasha
dhaqanka oo 33 ka kooban waay ku eedeeyeen Somaliland inay ka dambaysay dilka
Hadraawi iyo dad kale oo magaalada ay ku dhex dileen dabley aan la aqoonsan.
Somaliland in muddo ah
way ka aamusanayd laakinse waxay markii dambe dhowr goor oo madaxdoodu hadleen
ay farta ku fiiqeen in argagaxiso iyo maamulka Puntland ay ku lug leeyihiin.
Saamaynta Dagaalku
yeeshay
Xadgudubyada xuquuqul
aadanaha iyo barakaca: Beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka waxay
labada ka dardaar-weriyeen xaaladda dadka rayidka ah ee dagaalku saameeyey.
Inkastoo xaqiiqada
tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalkaas aan la
hayn, misna dad aad isha ugu hayey xiisadda Laascaanood waxay ku qiyaasayaan
tirada ilaa hadda dagaalka ku dhimatay inay ugu yaraan gaarayso 370 qof.
Hay’adda xuquuqda
aadanaha ee Amnesty International waxay sheegtay in dadkaas ay ku jiraan
‘waayeel, carruur, dad xanuunsan iyo shaqaale caafimaad’.
Dadkii magaalada ku
noolaa ayaa badankood u barakacay magaalooyinka kale ee gobolka Sool iyo
tuulooyinka u dhowdhow Laascaanood. Xaalado adag ayaa meelaha qaar laga soo
sheegay inay haystaan dadka barakacay.
Dagaalka oo siyaasad
lugta la galay: Maalin kasta oo ku sii kororta maalmaha uu dagaalku socday
labada dhinac way sii kala fogaanayeen.
Calanka Soomaaliya ee
buluugga ah, xiddigta cadna dhexda ku leh ayaa laga taagay magaaladii uu
calanka Somaliland ka babanayey.
Puntland waxay si is
dabajoog ah u beenisay inay dagaalka ku lug leedahay, laakin Siciid Cabdullaahi
Deni oo todobadkii hore ka jawaabayey eedayntii uu soo jeediyey madaxweynaha
Somaliland ayaa eedeyn kale u jeediyey Somaliland iyo xukuumadda federaalka
Soomaaliya.
"Hadalladii uu Muuse
Biixi ka shegay baarlamaanaka wa wax cad oo isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh
ay isla ogaayeen" ayuu yiri Deni. "Dadka reer Puntland oo Gaalkayo
dadkeeda ah waa difaaca Sool, magaalada Laascaanood. Qarsan mayno” ayuu sii
raaciyey Deni.
Soomaaliya –
Somaliland: Dagaalka Laascaanood ee ku billowday dilka Cabdifataax Hadraawi
wuxuu u xuubsiibtay qaddiyad siyaasadeed iyo mid qabiil.
Wuxuu kaloo saamayn ku
yeeshay wixii wadahadal ah ee laga yaabo inay dhex maraan Soomaaliya iyo
Somaliland, waayo maamulka Somaliland wuxuu u arkaa in Puntland iyo dawladda
federaalka oo dhinac ah ay dagaalka hurinayaan.
Puntland waxay u
aragtaa in qaab hoose oo qabiil ku salaysan ee aan siyaasadaysnayn ay dawladda
federaalka iyo Somaliland u hurinayaan dagaalka.
Ismaandhaafyadaas waxaa
cad inay saamayn ku yeelan doonaan, ugu yaraan wakhtiga dhow, dadaalka aadka u
jilicsan ee, haddiiba la samayn lahaa lagu sii wadi kari lahaa wadahadalladii
Soomaaliya iyo Somaliland.
BBC