Musharax CIRRO Oo KULMIYE Usoo Jeediyay Inay Soo Sharaxaan Muuse Biixi Doorashada Madaxtooyada.

0
Friday May 19, 2023 - 18:36:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax CIRRO Oo KULMIYE Usoo Jeediyay Inay Soo Sharaxaan Muuse Biixi Doorashada Madaxtooyada.

    "waxa aad ogeydeen wixii uu ka yidhi oo waa wada maqleyseen"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxa aad ogeydeen wixii uu ka yidhi oo waa wada maqleyseen"



Hargaysa (HWN) Musharrax Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in uu yahay Musharax diyaar u ah in uu latartamo doorashada madaxtoyada Muuse Biixi Cabdi.

 

"Muuse waxa aan u sheegayaa in aan ahay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI ee doorashada Madaxtooyada ee soo socota, waxa aanaan diyaar u ahay in aan la tartamo Musharaxiinta kale ee Xisbiyada Qaranka. Muuse waxa aynu u sheegaynaa oo xusuusinaynaa in aanay caalamka ka dhicin Musharax oggolaansho uga baahan qofka uu la tartamayo!  Anniguse waxa aan jeclaan lahaa in Kulmiye Muuse Musharax Madaxweyne u soo doortaan maadaama uu xaq u leeyahay inuu mar kale tartamo! Si aan mar 2aad ula tartamo.”

 

Mar kasta oo Muuse hoggaaminta dalka iyo hagida shacbigu ku adkaato waxaa hor yimaadda Xisbiga WADDANI. 11kii August 2022, markii magaalooyinka waaweyn ee dalka lagu laayey shacbigii dareenkooda cabirayey, dadkuna ay u dheg taagayeen dhawaaqa ka soo yeedhi doona Muuse, waxa aad ogeydeen wixii uu ka yidhi oo waa wada maqleyseen, maragna waad ka ahaydeen, maalintii dhaweydna khudbad sannadeedkii dastuuriga ahaa ee uu labada Gole uu ka horjeediyey mar kale WADDANI baa hor yimi, , waxaase inagaga filan eraydii koobnaa ee ku cabiray Abwaan Weedhsame, ee ahaa in ay ahayd may ahayn khudbad sanadeed ee waxay ahayd cannaan sannadeed" Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro


Loading...
Loading...