Canada Oo Beenisay War Uu Faafiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya
Dawladda Canada ayaa
beenisay sheegasho ku saabsaneyd in dadka Kenya ay shaqo u aadi karaan dalka
Canada si dhib yar.
"Hadda, Canada
waxay haysaa fursado ka badan dadka shaqeyn kara waxaanuna ku heshiinay in
dadka Kenya ay buuxiyaan kaalintaas bannaan. Habraaca logu tala galay kuwa
Canada aadaya aad ayuu u fududyahay balse dadaal ayaa loo baahan yahay,"
ayuu yiri Alfred Mutua wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya.
Balse dawladda Canada
ayaa iska fogeysay in ay gashay heshiis noocaas ah. "Warar been abuur ah
ayaa la isla dhex wareegayaa kuwaas oo sheegaya in ay jiraan barnaamijyo gar ah
oo soo dhaweynaya dadka Kenyan ka ah ee usoo safra canada. Tani waa been,
barnaamijyada la xusayna ma jiraan" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay
waaxda qaxootiga iyo muwaadinnimada ee canada.
Dadka Kenya oo
xirfadley badan leh ayaa shaqooyin ka hela dalalka dibadda ah, mid ka mid ahna
waa Canada balse Canada waxay inkirtay in ay jiraan barnaamiyo gaar ah oo loogu
tala galay dadka reer Kenya.
BBC