Madaxda Afrika oo dhexdhexaadinaya Ruushka iyo Ukraine.

0
Friday May 19, 2023 - 11:36:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Afrika oo dhexdhexaadinaya Ruushka iyo Ukraine.

    "Dadka dhaleeceeya Ramaphosa ayaa u arki kara in ay tani tahay isku day uu ku doonayo…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dadka dhaleeceeya Ramaphosa ayaa u arki kara in ay tani tahay isku day uu ku doonayo…"


 


 

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in uu hogaamin doono ergo ka socota lix dal oo Afrikaan ah oo gaari doona Ruushka iyo Ukraine, dedaallo la doonayo in xal nabadeed loogu helo colaadda ka dhex taagan labadan dal. Waxa uu sheegay in xog hayaha joogtada ah ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres uu soo dhaweeyay tallaabada.

 

Madaxda kale ayaa ka kala socda dalalka Zambia, Senegal, Congo, Uganda iyo Masar. Soo jeedinta Ramaphosa ayaa imaanaysa maalmo uun ka dib markii Maraykanku dalkiisa ku eedeeyay in uu la saftay Ruushka isla markaana uu hub u daabulay.

 

Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in uu la hadlay madaxweynayaasha Ruushka iyo Ukraine – Putin iyo Zelensky oo labadubay ogolaadeen in ay kus soo dhaweeyaan ergada nabadda ee lixda hogaamiye ee Afrikaanka ah magaalooyinka Moscow iyo Kyiv.

 

Dadka dhaleeceeya Ramaphosa ayaa u arki kara in ay tani tahay isku day uu ku doonayo in uu ku muujiyo dhexdhexadnimada Koonfur Afrika ka dib eedayntii Maraykanka.

 

Waxaa sidoo kale su’aal la gelin karaa sababta aan dadaalkan oo kale loo gelin si nabad loogusoo dabalo colaadda ka jirta Suudaan. Balse xulafada Ramaphosa ayaa ayaa sheegaya in uu mar walba nabadda ku baaqayey dhexdhexaadnimana uu muujiyey intii uu hal dhinac cambaareyn lahaa.


Loading...
Loading...