Faa'iidooyinka Oradka Maalinkaste?

0
Friday May 19, 2023 - 09:18:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faa'iidooyinka Oradka Maalinkaste?

    W/Q:Dr Cabaas Tuuryare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:Dr Cabaas Tuuryare



 

Oradka maalinkaste wuxuu caafimaad buuxo u leyahay nolosheena.

Daraasaduhu waxeey tilmaamayaan Faa'iidooyinka ku jiro oradka 5 ilaa 10 daqiiqo oo xawaaro dhaxdhaxaad ah ee udhiganto { 6.0 mile} saacadii waxeey leedahay Faa'iidooyinkaan soo socdo.



1: Oradku wuxuu yaree qataraha dhimashada cudurka wadno qabadka ama Istaroogga.


2: Oradku wuxuu yaree halista cudurka wadnaha kudhaco iyo xididadiisaa.


3: Sidoo kale Oradku wuxuu yaree Qatarta uu kugu imaan karo Cudurka Kansarka.


4: Sidoo kale Oradku wuxuu yaree halista ay kusoo muuqdaan cudurada kudhaco neerfaha sida { Alzheimer’s disease iyo Parkinson's Disease}.


Iyadoo Faa'iidooyinka aad ku heli karto qadar yar oo maalinle ah.


Koox Cilmi-baaro yaal ah ee udhashay Dutch ayaa waxeey kutalinayaan in la ordo 2.5 saacadood todobaadkii ama 30 daqiiqo, shan maalmood todobaadkii si dadku ugu raaxeystaan cimri dhirirka ee oradku u leyahay caafimaadkeena.


Faa'iidooyinka kale uu oradku leeyahay ayaa kamid ah wuxuu hagaajiyaa hurdadeena iyo caafimaadka maskaxdeena.

 

Cilmi-baaris lagu sameeyay koox dhalinyaro qaan gaar ayaa lagu sheegay kuwaas oo orday 30 daqiiqo xawaare dhaxdhaxaad ah Subax kaste taasoo qaadatay mudo todobaad ah inay wanaajisay hurdadooda iyo caafimaadka maskaxdooda iyo awoodooda u fiirsiga inta ay ku gudo jiraan howl maalmeedkooda.

 

W/Q:Dr Cabaas Tuuryare

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...