Sidee Soomaaliya Loogu Yeeshay Shan Bilyan Oo Doolar Oo Deyn Ah?
Mid ka mid ah shaqada
ugu weyn ee arrimaha dibeda ee horyaala dowladda sanad jirka ah ee Soomaaliya
waxaa ka mid ah deyn cafinta Soomaaliya. Howshaas ayaa soo bilaabatay 2014kii
intii lagu guddo jiray muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh.
Deyn cafintu waxay
markii ugu horreysay ku bilaabatay mideynta dakhli ururinta wasaaradaha
xukuumadda federaalka ah, diiwaangelinta iyo dib-u-habeynta iyo u-awoodsiinta
bankiga dhexe. Xasan Aadan Xoosow oo ah Lataliyaha arrimaha dhaqaalaha ee
madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in ‘deyn cafintu ay mareyso heer
gebogebo ah’.
See
loogu yeeshay deynta Soomaaliya?
Deynta lagu leeyahay
Soomaaliya waa shan bilyan iyo labo boqol oo kun oo doolar. Waxaa la amaahday
soddonkii sanno ee ugu horreeyay xornimada. Laakiin deynta ugu badan waxaa la
galay intii u dhexeysay 1978dii – 1990kii. Waa intii askartii xukunka boobtay
ee kacaanka ay hayeen talada dalka. Waxay isugu jirtaa dhaqaale lagu fuliyay
mashaariic la xiriira beeraha iyo xoolaha, iyo xitaa dhismeyaal, Iyo, qeyb la
rumeysan yahay in loo adeegsaday arrimo siyaasadeed, iyo howlo ciidan iyo dano
shaqsi.
Tirada ugu badan ee
deynta lagu leeyahay Soomaaliya waxaa loo arkaa inay tahay lacag aruurtay oo
dulsaarkeedu koroyay saddex iyo lixdankii sanno ee ugu dambeeyay. Deynta
rasmiga ah waxaa lagu qiyaasayaa labo bilyan oo doolar. Inta kale waa ribo ku
kordheysay sanad ba ka uu ka dambeeyay.
Haddaba,
yaa ku leh Soomaaliya deynta?
Lacagtan deynta waxaa
Soomaaliya ku leh dalal dhowr ah oo ku kala jira isbaheysiyo dhaqaale oo kala
duwan. Dalalka bahoobay ee deynta leh waxaa ka mid ah kuwa ku mideysan Naadiga
Baariis. Xubnaha naadigan ee deynta leh waxaa ugu horreeya Mareykanka, waxaa
soo raaca Ruushka, Talyaaniga iyo Faransiiska.
Mareykanka oo keliya
waxa uu Soomaaliya ku leeyahay qiyaastii 20% boqolkii ba deynta oo dhan. Waxaa
lacag dhan hal bilyan oo doolar. Halka deynta Ruushka ay u dhiganto 13%
boqolkiiba deynta shanta bilyan ah. Waxay u dhigantaa qiyaastii Lix boqol iyo
kontan Milyan oo doolar.
Talyaaniga na waxaa u
diiwaangashan deyn dhan Shan boqol iyo kontan milyan oo doolar oo u dhiganta
11% boqolkiiba deynta lagu leeyahay Soomaaliya. Deynta Faransiiska waa 8%
boqolkiiba oo u dhiganta Afar boqol oo milyan.
Dalalka kale ee
Soomaaliya deynta ku leh waxaa ka mid ah dalalka carabta. Sacuudiga,
Imaaraatka, Ciraaq, Kuweyt, iyo ururo carbeed iyo kan ururka dalalka shidaalka
soo-saara ee Opec. Wadarta guud ee deymahaas waxaa lagu qiyaasayaa Sagaal boqol
oo milyan oo doolar. Deynta dalalka carabta iyo ururada kale waxay u dhigantaa
18% boqolkiiba wadarta guud ee deynta lagu leeyahay Soomaaliya.
Deynta iyo dakhliga
gudaha
Deyntan waxay boqol iyo
toban jeer ka badan tahay dakhliga sanadlaha ah ee Soomaaliya. Khuburadda
dhaqaalaha waxay sheegayaan in deyntan la iska bixiyo waxay qaadan kartaa sanad
dhan oo la ururiyo dhaqaalaha dowladda iyo dalka iyo xitaa qof walba oo Soomaali
ah soo gala, iyada oo aan hal shilin wax kale loo adeegsa, marka loo eego
dakhliga sanadlaha ah ee Soomaaliya. "Ma ahan wax la awoodi karo in sidaas loo
bixiyo. Wax badan oo horumarinta dhaqaalaha ah iyo karaamada qofka Soomaaliga
ah ayaa nooga xiran deyn cafinta,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay'addaha
maaliyada Soomaaliya ee ku lugta leh deyn cafinta.
Dadka jamhuuriyadda
Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa shan iyo toban milyan oo qof. Haddii deyntaas
loo qeybiyo dadka Soomaaliya waxaa qofwalba lagu yeelanayaa lacag deyn ah oo
dhan saddex boqol iyo kontan doolar. Waa lacag wax yar ka yar dakhliga uu heli
karo qofkii ba 12 bilood oo dhan.
Hadda, Soomaaliya waxay
heystaa balanqaad ah in deymaha ugu yaraan qeyb laga cafin karo. Laakiin waa
inay buuxisaa sharuudaha deyn cafinta oo dhan. Qaar baa la hirgeliyay
sharuudaha laakiin waxaa dhiman kuwa loo arki karo inay yihiin kuwa ugu adag.
Waxaa ka mid ah in la hirgeliyo canshuur mideysan oo laga qaado dekedaha iyo
garoomada Soomaaliya oo dhan.
BBC