Wararkii Ugu Dambeeyey Ololaha Doorashada Turkey
Musharaxa la loolamaya
madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii xoojiyey codkiisa ka dhanka ah
muhaajiriinta, isaga oo wacad ku maray inuu dhammaan muhaajiriinta ku celin
doono dalkooda, haddii lagu doorto doorashada ku-celiska ah ee 28-ka May.
Kemal Kilicdaroglu, oo
ah musharaxa isbaheysiga lixda xisbi ee mucaaradka, ayaa ku guuleystay 45%
codadka doorashada Axaddii, halka Erdogan uu helay 49.5%, isaga oo waxyar ka
hoos maray 50% si looga baaqsado doorasho ku-celis ah.
Hadalladii ugu
dambeeyey ee Kilicdaroglu ayaa yimid ayada oo la filayo in musharaxii kaalinta
saddexaad ka galay doorashada uu ku dhowaaqo go’aankiisa ku saabsan cidda uu
taageerayo wareegga labaad.
Sinan Ogan, oo ah
siyaasiga xisbiga diidan qaxootiga, ayaa helay 5.2%, taasi oo taageeradiisa
muhiim ka dhigtay wareegga kala reebtada ah.
Isaga oo khudbad ka
jeedinayey xarunta xisbigiis CHP, ayaa Kilicdaroglu wuxuu ku celiyey sida
xooggan ee uu uga soo horjeedo siyaasadda Erdogan ee ku aaddan socdaalka.
"Erdogan, waxaa si kas
ah ugu ogolaatay 10 milyan oo qaxooti ah inay yimaadaan Turkey. Waxaad xitaa
iibisay muwaadinnimadii si aad cod u hesho,” ayuu yiri Kilicdaroglu isaga oo
aan bixin caddeymo.
Turkey ayaa waxaa ku
nool bulshada ugu badan caalamka ee qaxooti ah oo gaaraya 4 milyan oo qof, sida
ku cad xisaabaadka dowladda.
"Waxaan halkan uga
dhawaaqayaa: Dib ayaan dhammaan qaxootiga ugu celin doonaa dalalkooda marka
madaxweyne la ii doorto,” ayuu yiri.
Kilicdaroglu ayaa
ololihiisa ku sheegay inuu dhammaan qaxootiga Syria dalkooda ugu celin doono
laba sano gudahood kadib marka uu heshiis kala gaaro madaxweynaha Syria Bashar
al-Assad badbaadadooda isaga oo kaashanaya QM.