Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee oo dhambaal hambalyo ah u diray shacbi weynaha Somaliland munaasibada maalinta 32

0
Thursday May 18, 2023 - 12:44:50 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee oo dhambaal hambalyo ah u diray shacbi weynaha Somaliland munaasibada maalinta 32

    Guddoomiyuhu waxa uu shacbiga xariirta ah ee u soo dhabar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyuhu waxa uu shacbiga xariirta ah ee u soo dhabar


Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo dhambaal hambalyo ah u diray shacbi weynaha Somaliland munaasibada maalinta 32 guurada Qaranimada ee 18 May awgeed.


 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda JSL Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa shacbiga qiimaha badan ee Somaliland, munaasibada 32 guurada ka soo wareegtay maalintii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshada xorriyada iyo jiritaanka Somaliland, taasi oo lagala soo laabtay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaalida, oo ku beegan maalinta bari ah.



 

Guddoomiyuhu waxa uu shacbiga xariirta ah ee u soo dhabar adaygay duruufaha kala duwan ee ay muddada dheer ku sugayeen, helitaanka aqoonsi caalami ah iyo ciidamada kala duwan ee hadh iyo habeenba heegganka ugu jira sugida ammaanka, u rajaynayaa guul iyo badhaadhe, waxaanu ku bogaadinayaa sida milgaha iyo maamuuska leh ee ay Qarankooda u barbar taagan yihiin, waxaanu u rajeeyay nabad, wadajir, caafimaad, barwaaqo iyo ictiraaf caalami ah oo horseeda horumar iyo badhaadhe.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...