Yaan La Dhayalsan Hadalada Ka Soo Yeedhaya Ehelka Laga Dilay Taliye Xabiib.

0
Wednesday May 17, 2023 - 17:54:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaan La Dhayalsan Hadalada Ka Soo Yeedhaya Ehelka Laga Dilay Taliye Xabiib.

    "waa in hada si dagdaga xoriyadooda loogu celiyo dhamaan dadkii loo qabqabtay banaanbixii"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waa in hada si dagdaga xoriyadooda loogu celiyo dhamaan dadkii loo qabqabtay banaanbixii"



Hargaysa (HWN) Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa usoo jeediyay xukuumada Muuse Biixi in aanay dhayalsan hadalada ka soo yeedhaya Qoyska laga dilay taliye Xabeeb oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland oo maanta lagu aasay Magaalada Boorama.

 

Taliye Xabeeb ayuu Maydkiisu ku jiray talaada muddo shan iyo toban cisho ah, iyadoo ehelku marxuumku doonayeen in la raaciyo Askarigii kale ee dilay taliya.

 

Xildhibaanka ayaa qoraal uu baahiyay oo kaga hadlay aaska maanta loosameeyay Marxuumka kuyidhi.

 

"Ilaahay ha u naxariisto Marxuum Taliye Khadar Xabeeb oo maanta lagu aasay Borama kadib markii 10 cisho ka hor gacan ka gardarani ku dishay Lawga.

Ilaahay qoyska qarabada iyo qarankaba samir iyo iimaan hakiisiiyo.

 

Inta waxa dheer in xukuumadu toos u qaadato dardaarankii ehelku qabriga dushiisa ka jeediyeen oo aanay sahalsan iskuna dayin Meeraysi ee ay fuliso go’aanka laba qaysba taageeren kii wax laga dilay iyo kii wax dilayba.

 

Laba waa in hada si dagdaga xoriyadooda loogu celiyo dhamaan dadkii loo qabqabtay banaanbixii ka dhashay arintaa iyadna meeraysi uma baahna mana jirto cid ujeedo gaara arintaa ka lahayd balse meeraysigii Xukuumada ayaa keenay waana waajib dad banaan baxay marka uu joogsado in lasii daayo.

 

Qodobka u dambeya Xukuumadu waa inay si dagdag ah iskaga xilsaartaa inay daryeel iyo dawaba u sameeyaan Dhaawacyada duqaydii iyo dhalintii maalintii dhawayd ku dhaawacan tay sigaara waxan ugu soo jeedinaya madaxda xukuumada ee gobalka kasoo jeeda inay xilgaara iska saraan dhaman qodobadan. Kadibna nabad niyad saman lagu wada xuso 18 may.”


Loading...
Loading...