Xisbiga Waddani Oo War Ka Soo Saaray Xuska Xaflada 18ka MAY.

0
Wednesday May 17, 2023 - 17:45:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo War Ka Soo Saaray Xuska Xaflada 18ka MAY.

    "ma jiro sharci inagu khasbaya in aan ka soo xaadirno munaasabadaha iyo xafladaha ay caado ahaan xukuumaddu qabto.."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"ma jiro sharci inagu khasbaya in aan ka soo xaadirno munaasabadaha iyo xafladaha ay caado ahaan xukuumaddu qabto.."



 

Maalinta 18 May 2023, waxa ay ku beegan tahay sannadguuradii 32aad ee la-soo-noqoshada Qarannimada Somaliland, taas oo ay dadka Somaliland 18kii May 1991 ku yagleeleen Dawladnimadan maanta 32 jirsatay, iyada oo uu saldhig u ahaa heshiiskii midnimada degaanadda iyo dadka reer Somaliland ee ku shiray magaalada Burco, halkaas oo ay ergooyinkii si wadajir ah uga soo saareen Baaqii aasaaska Qarannimada Somaliland, 5tii May 1991.

 

Xisbiga WADDANI, wuxuu u taagan yahay ilaalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, midnimada iyo wadajirka bulshada reer Somaliland, taas oo ku timid talo-wadaagga iyo rabitaanka dadka, kuna sii jiri karta talo-wadaagga iyo rabitaanka dadka, waxaanu Xisbigu ka soo horjeedaa dhammaan wixii xadgudub ah, weji kasta oo ay leeyihiin iyo in shiqaaqooyinka iyo colaadaha abuurma loo adeegsado xoog iyo ismuquunin.

 

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, wuxuu hambalyo u dirayaa dhammaan bulshada Somaliland iyo ciidamada Qaranka, meel kasta oo ay joogaan, waxaanu dhammaan taageerayaasha Xisbiga farayaa in qof kasta xuska maalinta qarannimada uu maamuuso ama uga qaybqaato sida ugu habboon ee uu awoodo, mana jiro sharci inagu khasbaya in aan ka soo xaadirno munaasabadaha iyo xafladaha ay caado ahaan xukuumaddu qabto, qof kastana waxaa u bannaan in uu ka maqnaado ama ka qaybgalo munaasabadahaa hadii la siiyo milgaha iyo maamuuska Qarrannimo ee Xisbiga WADDANI ka mudanyahay goobtaa.

 

Xisbiga WADDANI, wuxuu ku baaqayaa in la joojiyo colaadda Laascaanood ka aloosan iyo shiqaaqooyinka ay ugu dembaysay tan maanta iyo shalay ka taagan Degmada Qabri-gorod iyo degaannada kale, oo dhammaantood ku yimid siyaasad-xumada iyo qorshe la'aanta xukuumadda talada haysa, waxaana uu Xisbigu ugu baaqayaa Nabad iyo Waddahadal, iyada oo laga baaqsan karayay dhibaatada lexaadka leh ee dhacday iyo dhiigga badan ee daatay.

 

Dhammaan dadka reer Somaliland, waxaa inoo ballan ah: ilaalinta dhaqanka, anshaxa guud iyo diinteenna suubban, isku-haynta dadka & dalka iyo sidii aynnu u xaqiijin lahayn Rejada Shacabka! Waad mahadsantihiin.

 

Xirsi Cali X. Xasan

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI


Loading...
Loading...