Muuse Biixi Oo Booqday Dhaawacyada Ciidanka Dagaalka Laascanood Ee Burco La Keenay
Burco -(HWN)-Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa u kormeeray Cusbitaalka
guud ee Burco iyo Cusbitaalka Ciiddamada Qaranka, isagoo u kuurgalay mid walba
xaaladiisa caafimaad, waxaanu u mahadnaqay dhammaan hawl-wadeenada bahda
caafimaadka iyo dhakhaatiirtii u adeegaysay ciidamada dhaawaca ah, isagoo
madaxwaynuhu ku dhiirigeliyey inay halkaa dedaalkooda ka sii wadaan kuna
amaanan yihiin shaqada Qaranka.
Waxaanu madaxweynuhu
mid mid u dul istaagay una gacan qaaday geesiyaashii ciidamada Qaranka ee ku
soo dhaawacmay dagaaladii kala danbeeyey ee Laascaanood, waxaanu ugu duceeyay
in u illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood, dawladduna u hurayso wax
walba oo la xidhiidha daryeelkooda caafimaad, hal-yeyadii naftooda u huray
difaaca dalka iyo dadka naxariistii janno Alle ka waraabiiyo, isla-markaana
daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka
Somaliland.
Sidoo kale madaxweynuhu
waxa uu u duceeyey in Alle caafimaad sareecana siiyo dhammaan bukaanada guud ee
xanuunada kala duwan u jiifa cusbitaalka guud ee Burco.
Ugu danbayna
Madaxwaynuhu waxa u bogaadiyay sida fiican ee bahda Caafimaadka oo ay
hoggaaminayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii
caafimaad, iyagoo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Cusbitaalada, Oog, Caynaba,
Burco iyo Hargaysa.
Wa-bilaahi Tawfiiq