Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Sheegay In Somaliland ay Guul ka Gaadhay Dagaalkii ka Dhacay Gobolka Sool

0
Wednesday May 17, 2023 - 11:54:27 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Sheegay In Somaliland ay Guul ka Gaadhay Dagaalkii ka Dhacay Gobolka Sool

    Waxaanu yidhi."Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaanu yidhi."Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood


Taliyaha ciidanka Qaranka JSL, Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in Somaliland ay guul ka gaadhay dagaalo xoogan oo shalay galbeedka iyo bariga Laascaanood iyo deegaanka Dhabarsaar ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa Huwanta.


 

Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Millateriga Somaliland oo ka warbixiyay dagaalka shalay, ayaa sheegay in ciidamo wata ilaa 70 tikniko ahi ay weerar kusoo qaadeen meel 25 killo mitir u jirta wadada laamiga ah ee Adhicaddeeye, iyo qaybo kamid ah fadhiisimada ciidanka ee Laascaanood.



 

Waxaanu yidhi."Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa dabada kariixaya niman argagixiso iyo qaswadayaal ah, maanta dagaalo ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood iyo degaanka Dhabansaar, waxaaney 25-km ka xigta xagga Galbeed degaanka Adhicadeeye, ciidanka halkaasi soogalay oo 70 Tiknoko ah watay, waxa uu rabbay jidka in uu qabsado taakulayntana uu ciidanka ka jaro, ciidanka Qaranku isaga oo ku xisaabtamaya arrintaasi guluf ayuu kala hortagey, saaka lixdii subaxnimo ayaa halkaasi la isku helay, meel 6-km Dhabarsaar u jirta ayaa la isku helay, waala jabiyay, magaaladiina waxa gacanta ku haya ciidanka, iyagiina waxa ay u yaaceen tuulada la yidhaahdo Bali-hadhac, gurmadyo danbe oo ay dalbadeena wali ma soo gaadhin”


 

Waxa uu sheegay in khasaare leh dhimasho iyo dhaawacba uu dhacayo, balse ay guushu iyaga ciidanka Qaranka JSL raacday, dhinaca kale ciidamada ayaa soo bandhigay baabuur ay dagaalka ku qabsadeen.


 

Waxaanu yidhi."Bariga iyo galbeedka Laascaanoodna dagaalo culus ayay ka bilaabeen waana lagu jabiyay, labadaba bariga iyo galbeedka qaybtiisi hore, qaybaha danbena waynu ogaan doona, balse maanta waxa dhacay dhawrkaasi dagaal, Galbeedka Laascaanood, Bariga Laascaanood iyo Dhaban-saar, intabana ciidanka Qaranku guul ayuu ka soo hooyay, khasaare wuu dhacaya dhimasho way dhacaysa, dhaawacna wuu dhacaya, balse yaa guulaystayba isweydiinleh, guulba la idinka helay”


 

Taliyuhu waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay carqaladeeyaan dabaaldega maalinta Qarannimada ee 18-ka May.


 

Waxaanu yidhi."Waxay carqaladaynayaan 18-ka May, ciidanka Qarankuna meel uujoogaba guul ayuu rajjeynayaa, waanu ku guulaystay dagaalada uu galay, bulshada waxaan u sheegaya in hawshii nalo igmaday ee difaaca Qaranka sideedii u hayno, difaaci doono guulna aanu gaadhi doono,”

Loading...
Loading...