Xog qarsoodi ah oo laga helay safarka Madaxweynaha ee Qatar

0
Wednesday May 17, 2023 - 09:33:01 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog qarsoodi ah oo laga helay safarka Madaxweynaha ee Qatar

    Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Amiirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Amiirka

May be an image of 2 people and aircraft


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkan oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo 2 maalmood ah.


 

Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Amiirka dalka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad ayaa la qaadan doona kulammo ku saabsan kobcinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar.


 

Sidoo kale, Labada dal ayaa ka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, iyo waxbarashada, iyadoo Madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeenna.

Loading...
Loading...