Ballaayo Daamam La Qabatay Leedahay Dabo La qabto MaLeh ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday May 17, 2023 - 09:29:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ballaayo Daamam La Qabatay Leedahay Dabo La qabto MaLeh ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Bello Ninkii Doontaa, Isagay Dul Degtaaye, Ka Dabaasha Wa Taase!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Bello Ninkii Doontaa, Isagay Dul Degtaaye, Ka Dabaasha Wa Taase!


Ugu horeyn waxan Rabbi ka baryayaa, in uu kala qabbbojiyo Beelaha walaalaha ee ay askarta " Xaafad-tooyadu" foodda isu geliyeen, oo labadoodda, oo aan lagu dhex jirini ay si miyri qab ah u wadda hadlaan, si loo baajiyo geeri, dhaawac iyo hanti ku biburta dagaalka, si daacad ahna u kala gar qaaataan. Intaas dabadeed waxan xasuustay, riwaayaddii la odhan jirey magaceedda " Xaajo-ba la yaab lehe, bal aan qodo xabaalaha". 



Akhristaw halka uu xaal marayaa,waa sidaas uu yahay riwaayadaas magaceedu. Dad-na waxay ka hadlayaan fudhudhuq iyo in ay u dabaal-degaan wax aan jirin, iyaka oo khiyaali iyo waali aan meelaba haysan, been, ciiro isku qarin doonaaya in ay kaga hoos baxaan waxay dadku arkaan. Aynu run isu sheegno'e, maaha-maah baa ahayd " Bello Ninkii Doontaa, Isagay Dul Degtaaye, Ka Dabaasha Wa Taase! " Askartii imika bay ku foorar-taaye waa halkay dhiftaa. 


Ma wakhti damaashaad, dhholo-tus iyo dabaal-deg lagu dhololaa baa aynu joognaa, iyadda oo dalkii siduu u dhamaa dagaal ka socdo, oo maydka, bara-kaca, gaajadda,dagaal weerar iyo weetar celin ah, oo ay ka danbeeyaan labadda askari iyo kuwa daba fadhiyaa ay meel walba geliyeen, dhiigu qubanaayo, iyana ay ku faxaasadeen hantiddii ummadda kibir awgeed. 


Saw waali maaha in maanta halkii laga bakhtiin dabka ay ku smidgen dalkii siduu u dhamaa, dhiig daafa-naayo ay " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo-shaaximani" Aroos-koodda ina yidhaahaan, farxad kaga soo qayb gala, oo noogu ciyaara? Weliba inagu beer-laxaw-sadaan waxa aan jirin, saw maaha geeriddii Somaliland ku farxa, oo sacabka noogu tuma, halkii ay ahayd in la joojiyo, oo la is hortaaga dhiiga qubanaaya.

 

Waxa ay maah-maahi ahayd " Belaayo daamam la qabtay leedahay, ee dabo la qabto ma laha" Muwaadin Saw sifaha taagani uma eka ama ma aha,Gabay-ggii ahaa, ee ereya-diisa ay mid baa ahaayeen " Nin gurani hal uu dhebay, oo dhebigga uu saaray, dhana uma fayoobaa la yidhi, oo dheegagaa baxaye" Lix-ddii Gobol ee uu ka koobnaa dalkii, mid aanu dagaal ka oog-nani ma jiro. 


Berbera ilaa shan jeer bay Awal iyo H.jecllo isu qaateen, oo dad ku naf waayey, weli xal looma Helen, oo waa la isu khuurinayaa. Sool, dhawr boqol baa ku dhintay, 200,000 baa ku bara-kaca, burburka gaadhay iyo khasaaraha lama qoyaasi karo. 



Awdal wixii ka dhacay nin sarkaalka ahaa ay maamulka askartu dileen, kacdoonkii ka dhashay weli ma uu dating, nin weli lama aasin, oo waad maqlayseen shalay qoyskii uu ka baxay war-kooddii iyo halkay ka taagan tahay. Reer Awdal waxay ku jiraan abaabul dagaal, oo ciidan-kooddii waa diyaar. 


Dabka ay shideen askartii ciil qabayaasha ahi mid sidaas ku damaaya maaha ilaa ay meesha dhaafaan, ee maxaa tallo ah?

 

Dhibaatadda iyo dagaalka ay abuureen, is nacsiinta ummadu intaa kuma eka. Sanaag ( Ceeri-gaabo), iyana dhufayska baa la isugu jiraan, oo waxa la isla sugayaa 18 May. 

Dhimasho iyo dhaawac intuba way ka dhaceen, mid qaboobay-sana maaha, waayo iyaka baa hoosta ka wadda, ilayn iyaka dan-toodda baa ku jirtee, oo waa wakhti korodhsiye. Iyadda Sanaag bari hore baa u tagtay. Waxa la yidhi mayd yaa ugu danbeeyeye, Hadda waxa afar cisho qiiqaysay Tog-dheer oo ugu dambaysay, oo ay dagaal dhex dhigeen Awal Iyo Garxajis. 


Waad arkaysaan Tuuladdii Cali Saahid in dagaalkii shalay ka dhacay uu sababay dhimasho iyo dhaawac, oo labaddii beelood uu gurmad-kooddii isu habar-wacday. Xalay waxa la gubay " Qabri-Gorod" Welina lama saying,ee waa la is hor-fadhiyaa, waayo way ugu tallo galeen in ay ummadu isku gubato, oo aanay wax-ba iskaga hadhin, isla Barbados, taas oo ay heshiis kula soo galeen Ka Diktaatorka ka Djabtuuti, oo Askari u seediga ah kula taliya, in uu isagu keliggii haysto weighed iyo in aan looga damvayn ee ay isla rogmato, waana sidda ay ku sokoto, mana jirto rajo ka soo jeedaa oo aan ahayn kala yaaca iyo in ay xamar dib ugu noqoto.

 

Ugu dambayn labaddii labaddii askari, waxay dhuumasho ku soo galeen Burco, iyo marmar-siyoonaaya dagaal baan joojinaynaa, laakiin runtii sii shidaaya siddii caadadda u ahayd, u jeedadda ugu weyn ee ay yimaadeena, waa colaad kale oo ka dhex abuur H.jeclo iyo Garxajis, dagaalkan Awal iyo Garxajis-na ay sii xoojiyaan, ma jirto wax kale oo ay wadaan ama u yimaadeen Burco. 


Waxay deydey-ggii ka soo hadhay Sool, Awdal iyo Sanaag ee ciidan ku sheega ahaa. Wuxu Saaka fadhiistay Askariggii " Raggii ma adigaa ka hadhay" Xarun ku sheegtii Gobolka oo yidhi, waxan rabaa in aan arko, oo wadda hadallo Odayaasha H.Yoonis. Halkaa markay marayso, waxa af-buuxa loogu sheegay, in aanay cid reerka ka mid ah oo arkaysaa aanay jirin. Hadaad wan-waan wado iyo iyo wanaag, la hadal " Gudidda Garxajis" Ee uu Gudoomiyaha u yahay Sul.Cade Gude.


 Isna ma rabo in uu si rasmi ah ula xaallo " Gudidda dhabta ah ee " Garxajis" Kuwii uu samaystay ee Gacan-ku- Rimiska ahaa" Ee ku shaqayn jirey " Maalin Dheregga" Wax-ba u qaban waayey, ilayn cid ay arki karaan ama la hadli karaan oo ay wakiil ka yihiin ma jirto'e. Ugu damayn waxan ku soo xidhay qoraalkan, oo aan leeyahay Ummadda Reer Tog-dheer ka digtoonaadda Beladda ay idiin-la yimaadeen Askarta ku jirta guriggii Moorgan Waa waxa la yidhaaho " Xaafad-tooyada'e" Daacad kama aha ee wuxu is leeyahay ka hoos bax, oo wuxu wataa wixiisii xilka lahaaye.


* N.B Bello Ninkii Doontaa, Isagay Dul Degtaaye, Ka Dabaasha Wa Taase!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...