Hooyo Afar Mataano Ah Ku Umushay Muqdisho.

0
Wednesday May 17, 2023 - 08:43:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo Afar Mataano Ah Ku Umushay Muqdisho.

    "Hore ayaa loogu sharxay inay afar mataano ah waddo, loona baahan yahay in ay taxadar dheeraad ah muujiso"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hore ayaa loogu sharxay inay afar mataano ah waddo, loona baahan yahay in ay taxadar dheeraad ah muujiso"


 


Farxiyo Xuseen Cali oo ah hooyo soddon jir ah ayaa isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ku dhashay afar gabdhood oo mataano ah, sida ay BBC u xaqiijiyeen maamulka isbitaalka.

 

Waa markii labaad ee muddo laba bilood ah gudahood ay afar mataano isbitaalka ku dhashaan.

 

Hooyada ayaa hore isbitaalka u timid ka dib markii ay dareentay "fool beenaad”, ka dibna dhakhaatiirta ayaa dawooyin siiyey, hase yeeshee xalay ayey mar kale dib u timid isbitaalka, ayadoo markan fool run ah ay haysay.

 

"Hore ayaa loogu sharxay inay afar mataano ah waddo, loona baahan yahay in ay taxadar dheeraad ah muujiso, ayna sugto usbuucyo. Xilligaas 5 maalmood ayey isbitaalka ku jirtay, laakinse seddex maalmood ka dib ayey soo noqotay. 3dii aroornimo si nabad ah oo dabiici ah ayey u dhashay ilmaha” ayey tiri Fartuun Shariif Maxamed, Agaasimaha Isbitaal Banaadir.

 

Waxay intaa ku dartay in carruurta aysan ‘bilo dhamays’ ahayn oo aysan dhamaysan 9-ka bilood ee carruurtu ku dhalato. "Hooyada dhiig yari ayaa ku dhacday dhiig ayaana lagu shubay, carruurtana waxay ku jiraan qaybta lagu koriyo ilmaha aan dhamayska ahayn, ayagana ogsijiin ayaa ku socda” ayey sii raacisay fartuun.

 

Waxay intaa ku sii dartay in Farxiyo Xuseen Cali ay hadda istaagi karto, oo ay ka soo kabanayso xanuunkii hayey, carruurtana aysan khatar ku jirin, has eyeeshee ay isbitaalka ku sii jiri doonaan si lo baxnaaniyo.

 

Hore isbitaalka Banaadir waxaa ugu dhashay bishii Maarso hooyo ayadana 4 ilmood oo mataano ah sidday.

 

Xilligaas oo ahayd 31kii Maarso, ayey hooyadaas oo ka soo jeedda gobolka Shabeellaha Dhexe waxay dhashay afar gabdhood oo mataano ah

 

Agaasimaha isbitaalka waxay BBC u sheegtay in isbitaalka ay yaallaan qalabka muhiimka u ah xaaladahaas oo kale in loo isticmaalo, kuwaasoo ay ganacsato ugu deeqeen.

 

"Laakin waxaa muhiim ah in la garab istaago qoyskaas oo u baahan xanaano, bacdamaa odayga reerka u yahay qof danyar ah” ayey tiri Fartuun Shariif Maxamed.

 

BBC


Loading...
Loading...