Waa Kumaa Maalqabeenka Muslimka Ah Ee Iibsanaya Kooxda Manchester United?

0
Wednesday May 17, 2023 - 08:39:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kumaa Maalqabeenka Muslimka Ah Ee Iibsanaya Kooxda Manchester United?

    "Dalabka ninkan u dhashay dalka Qatar ayaa yimid si ay u helaan boqolkiiba 100 saamiga kooxda,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dalabka ninkan u dhashay dalka Qatar ayaa yimid si ay u helaan boqolkiiba 100 saamiga kooxda,"



Ganacsadaha reer Qadar Sheikh Jassim bin Hamad Al Thani ayaa soo bandhigay dalab wanaagsan oo uu ku dhammeystirayo heshiiska iibsiga kooxda kubadda cagta ee Manchester United ee ka dhisan Ingiriiska.

 

Ninkan maalgaliya arrimaha bankiyada ee dalka Qadar ayaa heshiiskan kula tartamaya Sir Jim Ratcliffe ee Ineos Group, waxayna noqdeen dhinacyada ugu waaweyn ee doonaya inay iibsadaan kooxda Manchester United.

 

Dhinacyada ku tartamaya iibsiga kooxdani ayaa waxay dalabkoodii saddexaad soo gudbiyeen dhammaadkii bishii April ee aanu soo dhaafnay.

 

Milkiilayaasha Manchester United ayaa ka fiirsanaya inay ka iibiyaan Sheiekh Jassim bin Xamad Al Thani iyo in kale

Sheekh Jassim ayaa soo jeediyay dalab cusub Talaadada iyadoo ay socdaan wadahadalo u dhaxeeya milkiilayssha Kooxda iyo howl-wadeenada.

 

Dalabka ninkan u dhashay dalka Qatar ayaa yimid si ay u helaan boqolkiiba 100 saamiga kooxda, waxaana ka mid ah in la doonayo in marka hore la bixiyo .

 

Tirokoobyada bishii March ayaa muujinayay in United lagu leeyahay ku dhawaad ​​£969.6milyan wadarta deynta, deymaha bangiyada iyo khidmadaha kala iibsiga ciyaartooyda .

 

Qoyska Glazer, ee leh kooxda, ayaa ku dhawaaqay bishii November ee la soo dhaafay inay ka fikirayaan iibinta Manchester United sababtoo ah iyaga oo sheegay "inay sahaminayaan isbadal istiraatiijiyadeed oo kale."

 

Inkastoo aysan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay Glazers tan iyo waqtiga kama dambaysta ah ee dalabaadka 28-ka April, waxaa jirta kalsooni sii kordheysa oo lagu qabo in dadaalka ay ugu jiraan iibinta kooxda uu guuleysan doono.

 

Waxaa la og yahay in mid ka mid ah soo jeedinta Sir Ratcliffe ay ahayd in la dhimo saamiga uu doonayo inuu kooxda ka iibsado 69 boqolkiiba dhammaan saamiga Glazer, in ka badan 50 boqolkiiba.

 

Avram Glazer ayaa dhawaan ka soo muuqday ciyaartii finalka FA Cup-ka ee haweenka United, taasoo ay Axadii ay Chelsea ku garaacday garoonka Wembley Stadium, waxaana kulankiisii​​ugu dambeeyay ee uu United ku taageero uu ahaa finalkii Carabao Cup bishii February, markaas oo Manchester ay ka badisay Newcastle.

 

Glazer ayaa markii dambe booqday hotel ku yaalla London oo uu leeyahay aabbiha Sheekh Jassim, taasoo dhalisay warar dheeraad ah oo ku saabsan iibka, inkastoo BBC Sport ay heshay xog sheegaysa inaysan jirin wax wadahadal ah oo lala yeeshay kooxda.

 

Ma jirin wax calaamad ah oo muujinaya in Glazers ay aad ugu dhawaayihiin inay go'aan ka gaaraan jihada mustaqbalka ee United.

 

Qoyskan ayaa kooxda ku iibsaday 790 milyan oo ginni sannadkii 2005tii, waxaana hadda kooxda lagu qiimeeyaa inta u dhaxaysa 5 bilyan ilaa 6 bilyan oo gini.

 

Waxaa la dareemayay in ku dhawaaqista ay iman karto usbuucan marka la eego suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo furmay wax ka yar hal bil, taasoo siinaysa tababare Erik ten miisaaniyad fiican xilliga xagaaga.

 

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto dammaanad qaad ah in tani ay dhici doonto haddii suuqa kala iibsiga ciyaartooyda uu xirmo.

 

BBC


Loading...
Loading...