Xirsi & Cirro Oo Usafray Burco Oo Uu Ku Suganyahay Muuse Biixi.

0
Tuesday May 16, 2023 - 18:01:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xirsi & Cirro Oo Usafray Burco Oo Uu Ku Suganyahay Muuse Biixi.

    "Waxa aannu Xisbi ahaan ku baaqaynnaa in la joojiyo iyada iyo dhammaan shaqaaqooyinka kale"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa aannu Xisbi ahaan ku baaqaynnaa in la joojiyo iyada iyo dhammaan shaqaaqooyinka kale"

 

 


Hargaysa (HWN) Hogaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dagaal maanta ka dhacay degmada Qabri-gorod, isagoo ugu baaqay dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu soo saarya ku sheegay in hogaanka xisbiga Waddani u amba baxeen maanta magaalada Burco.

 

"BAAQ NABADEED!

Dhawaaqa colaadeed ee ka soo cusboonaday degmada Qabri-gorod waannu ka xunnahay, waxa aannu na tacsi u diraynnaa dadka halkaa ku dhintay. Waa dhaawac kale oo nabadda iyo wadajirkii bulshada Somaliland halis ku ah!

 

Waxa aannu Xisbi ahaan ku baaqaynnaa in la joojiyo iyada iyo dhammaan shaqaaqooyinka kale ee jira iyo colaadda Laaacaanoodba.

 

Dadka reer Somaliland waa walaalo deegaan iyo deeqaasinba wadaaga, ilaalinta wadajirka iyo wada-noolaanshuhuna wuxuu muhiim u yahay guud ahaan bulshada walaalaha ah.

 

Aniga, murashaxa Madaxweyne iyo madax kale oo Xisbiga ahi waxa aannu u carrownay galabta magaaladda Burco si aannu uga qayb qaadanno deminta iyo nabadaynta shaqaaqadaas.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa Gudoomiyuhu.

 

Waxa xusid mudan in Magaalada Burco uu xalay safar qorsoodiya uu ku tagay Muuse Biixi, safarkaasi oo aan la sheegin ujeedadiisa.


Loading...
Loading...