Laba Askari Oo Ku Dhintay Dagaalka Ka Dhacay Garoowe.

0
Tuesday May 16, 2023 - 16:14:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Askari Oo Ku Dhintay Dagaalka Ka Dhacay Garoowe.

    "Wasiir Juxa ayaa ku eedeeyey iska hor imaadka inuu mas'uul ka ahaa Khadar Cabdulraxmaan Faroole"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wasiir Juxa ayaa ku eedeeyey iska hor imaadka inuu mas'uul ka ahaa Khadar Cabdulraxmaan Faroole"



Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa ku eedeeyey mas’uul ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, inuu ka dambeeyey ‘shaqaaqadii lagu weeraray sanaadiiqda doorashada’, ee xalay ka dhacday magaalada Garoowe.

 

Wasiir Juxa ayaa ku eedeeyey iska hor imaadka inuu mas’uul ka ahaa Khadar Cabdulraxmaan Faroole oo ah ergeyga gaarka ah ee arrimaha dhaqaalaha ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Weerarkan oo xalay ka dhacay magaalada Garoowe, ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawacba, wuxuuna dagaalku billowday markii ay iska hor yimaadeen ciidan waday agabka codaynta iyo miliishiyo hubaysan.

 

Waxaa ku dhintay iska hor imaadka sida uu sheegay wasiir Juxa laba askari, oo ka tirsan ciidanka booliiska Puntland.

 

Ma aha markii ugu horeysay oo uu weerar ka dhaco Garoowe, kaasoo salka ku haya arrimo doorasho.

 

BBC.


Loading...
Loading...