Dagaal Culus Oo Somaliland Iyo SSC Ku Dhexmaraya Laascanood Iyo Khasaaraha

0
Tuesday May 16, 2023 - 16:10:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2086
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Culus Oo Somaliland Iyo SSC Ku Dhexmaraya Laascanood Iyo Khasaaraha

    "Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa isbitaalada magaalada la gaadhsiiyay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa isbitaalada magaalada la gaadhsiiyay"



Dagaal culus ayaa saaka dib uga billowday deegaano kala duwan oo ka tirsan degmada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

 

Degaanada Samakaab iyo Dhaban-saar oo waqooyi galbeed laascaanood kaga quman, ayuu ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC dagaal culus ku dhexmaray, kaasoo billowday waabirigii saaka, sida ay noo xaqiijiyeen dad ku suganDhaban-saar.

 

Dagaalkan ayey wararku xoogagga SSC ku doonayeen inay ku qabsadaan waddada isku xirta waqooyi iyo koonfur, halka ay Somaliland-na ay muhiim ugu tahay deegaanka Samakaab, oo 38km Laascaanood u jirta.

 

Dhinaca kale, Bariga iyo waqooyiga magaalada Laascaanood ayaa barqadii saaka dagaal xoogan uu ka dhacay, kaasoo ilaa hada rasaastiisa laga maqlayo magaalada, mararka qaarkoodna ay soo gaarayaan.

 

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa isbitaalada magaalada la gaarsiiyay, iyadoo ay ku jiraan dad rayid ah oo rasaas wiifto ah iyo madaafiic ay ku haleeshay magaalada dhexdeeda.


Loading...
Loading...