Dameerku Hadduu Dibiro,Dinaaxyayntu Badsha Danbaabidho Daa Warkeedba.

0
Tuesday May 16, 2023 - 11:30:55 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dameerku Hadduu Dibiro,Dinaaxyayntu Badsha Danbaabidho Daa Warkeedba.

    Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],


Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

Dameerku Hadduu Dibiro,Dinaaxyayntu Badshaayo,

 

Danbabidho Daa Warked,Duledka Reerkan La Marin,


 

Diirmadobane Waa Sida,Derajada Goortii La Saaruu,

 

Daawada Hawada Sareeto,Dad Miyuu Hoos U Eegaya,

 

Durduro Geelba Ku Jabay,Dulmiga Waa Lagu Dumaye,



 

Dadkaga Xumaha Ka Dayo,Daayinow Allahen Ka Baqo,

 

Dariiq Dheerba La Soo Mare,Hayanka Dib Hawgu Celin,


 

Daraad Waxay Soo Arkeena,Dushooday Ka Muuqataye,

 

Daryeel Bay Kaga Baahanyiin,Ciddii Daadihin Lahayde,


 

Dagaal Duminiyo Colaada,Hadmaynu Ka Daalaynayo,

 

Distoor Shaydan Sameyay,Dalkena Lagu Maamulayo,


 

Dushena Calankasi Saaran,Tawxidku Ku Daabacnaye,

 

Doonistena Qabyalad Tahay,Diinteenaan Beenaynaye,


 

Dariiqaad Haysataan,Hadduu Dhexda Deri Ka Yeeshay,

 

Doc Kale Maad Uga Wareegi,Adigon Dibu Laabanaynin.


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...