Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Wadda Hadalo Ku Leh Wadanka Kenya

0
Monday June 24, 2019 - 18:09:24 in News by
  • Visits: 3356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Wadda Hadalo Ku Leh Wadanka Kenya

    Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Wadda Hadalo Ku Leh Wadanka Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Wadda Hadalo Ku Leh Wadanka Kenya


Hargeysa(HWN):-Masuuliyiin ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya ayaa kulamo hordhac ah ku leh magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Kulamadan ayaa hordhac u ah sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee burburay horraantii 2015.

Image result for farmaajo iyo muuse biixi


Mareegta Somalilandchronicle oo soo xiganayso ilo wareedyo xukuumadda Somaliland ah ayaa ku warrantay in wefti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Prof Yaasiin X Maxamuud Faratoon oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha hay’adda duulista Mr Rodol iyo masuuliyiinta Somaliland ee xafiiska Nairobi ay halkaasi kulamo kula leeyihiin masuuliyiin ka socda xafiiska madaxweynaha Soomaaliya sida madaxa shaqaalaha Dr Nuur Diiriye iyo kaaliyihiisa Cabdisataar Geelle.


Mareegtu waxay intaasi ku dartay in ay kulamada qayb ka yihiin masuuliyiin miisaan leh oo ka socda beesha caalamka sida safiirka Ingiriiska Mr. Stewart Brown, wakiilka gaarka ah ee Midawga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Ambassador Alexander Rondos, agaasimaha Soomaaliya u qaabilsan hay’adda Maraykanka ee USAID Mr. Jeffery Bakken, wakiilka Sweden u qaabilsan Geeska Afrika Ambassador Urban Anderrson iyo wakiilka Turkiga u qaabilsan wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Oglan Bekar.


Waxa kale oo qayb ka ah hay’adda dhinaca wada hadallada iyo xallinta khilaafaadka ee Center for Human Dialogue oo qabanqaabada wada hadallada muddo ku hawlanayd. Hay’addan waxa masuuliyiinteeda ka mid ah Maxamed Cabdillaahi Cumar wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland waxaanu qayb ka yahay kulamada Nairobi.


Wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa burburay sanadkii 2015 waxaana ku guuldarraystay in ay dib u bilaabaan madaxweyne Biixi iyo Farmaajo waxaana jirta war dhawaan soo baxay oo ku saabsan in Farmaajo si weyn uga niyad jabsan yahay la hadalka madaxweyne Biixi.

Loading...
Loading...