Somaliland Oo xidhay Saxafiyad Bushaaro Baanday, Una Diiday In Jeelka Lagu Booqdo

0
Tuesday May 16, 2023 - 10:14:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo xidhay Saxafiyad Bushaaro Baanday, Una Diiday In Jeelka Lagu Booqdo

    "Waxaanay ciidamadu isheegen inaan la booqan Karin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanay ciidamadu isheegen inaan la booqan Karin"


 


Hargaysa (HWN) Ciidamada Somaliland ayaa xalay magaalada Wajaale ku xidhay Saxafiyad Bushaaro Baanday.

 

Xukuumada Somaliland iyo Ciidamada Booliskuba kamay hadal sababta looxidhay saxafiyadan.

 

Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland oo ka hadlay xadhiga lagula kacay saxafiyad Bushaaro ayaa xukuumada ugu baaqay in xoriyadeeda looceliyo saxafiyada.

 

Wariye Sagal Mustafe oo ay saaxiibo dhawyihiin Bushaaro ayaa saaka sheegtay in ciidamada Boolisku diideen in la booqdo saxafiyada xidhan.

 

"Waxaan saaka ku jarmaaday  oo tagay. Goobtii ay ku xidhnayd walashay Bushaaro Baanday. Waxaanay ciidamadu isheegen inaan la booqan karin amarna lagu  siiyay inaan qofnaba ugalin balse wixii adeeg Loo wado kadinka lagaga qaado qofka maxbuuska Ah xaquuqdiisii ayay meelkaga dhaceen waaana nasiib daro qof ka xaqiisa in laduudsiyo” ayay tidhi Wariye Sagal Mustafe.

 

Somaliland ayaa inta badan xabsiga utaxaabta saxafiyiinta tabiya wararka iyo warbixinaha xaqiiqda ah ee ay dhibsato xukuumada Muuse Biixi.


Loading...
Loading...